Madaxweynaha Angola Jowa'o Lourenjiyo ayaa soo gaaray Addis Ababa si uu uga qayb galo Shir Madaxeedka Midowga Afrika

Addis Ababa; Cirir 5/2018 (ENA): Guddoomiyaha hadda ee Midowga Afrika, Madaxweynaha Angola Jowa'o Lourenjiyo, ayaa soo gaaray Addis Ababa si uu uga qayb galo Shir Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Bole waxaa soo dhaweeyay Wasiirka Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda, Dr. Belete Mola.

Shir Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika waxaa lagu qaban doonaa halku-dhigga "Hubinta Bixinta Biyaha Waara iyo Nadaafadda; Gaaritaanka Yoolalka Ajendaha 2063".

Hoggaamiyeyaasha ka qaybgalaya shir madaxeedka ayaa sidoo kale soo gaaraya caasimadda Afrika, Addis Ababa.

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #AUsummit

Wakaalada Warka Itoobiya
2015