Madaxweynaha Komoros Asaali Asumani oo yimid Addis Ababa si uu uga qayb galo Shirka Midowga Afrika

Addis Ababa, Cirir 4/2018 (ENA): Shirka 39aad ee Madaxda Midowga Afrika
Madaxweynaha Komoros, Asaali Asumani ayaa maanta yimid Addis Ababa si uu uga qayb galo Shirka 39aad ee Madaxda Midowga Afrika.

Markuu ka degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Bulshada, Dr. Ergoge Tesfaaye.

Shirka 39aad ee Madaxda Midowga Afrika wuxuu diiradda saarayaa “Xoojinta helitaanka biyo nadiif ah iyo nidaamyo nadaafadeed oo ammaan ah, si loo gaaro yoolalka Ajandaha 2063.”

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital�

Wakaalada Warka Itoobiya
2015