Waxaa dhammaaday qodista afar ceel oo kamid ah toddobadii ceel ee laga waday aagga Waaji, halka laba kamid ahna dhismahoodu weli socdo

Addis Ababa, Cirir 4/2018 (ENA): Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed, oo ay weheliyaan Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa Qaybta Afrika ee hay’adda UNDP, Marwo Ahunna Esiyaakonwa, iyo masuuliyiin kale, ayaa booqday ceelasha laga hirgelinayo aagga Waaji, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay toddobo ceel. 

Afar kamid ah ceelashaasi waa la dhammaystiray, halka laba kalena ay shaqadoodu weli socoto, midka kalana qorshihiisa la billaabayo. Ceelashan ayaa lagu xoojin doonaa biyo-gelinta magaalada Jigjiga.

Waxaa xusid mudan in ceelasha la dhammaystiray, ay durba ka faa’iidaysanayaan bulshada ku dhaqan nawaaxiga goobaha laga qoday, kuwaas oo helay biyo nadiif ah oo ay ka isticmaalaan cabitaan iyo waraabinta xoolahaba, taasoo si weyn uga qayb qaadanaysa horumarinta noloshooda.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital�

Wakaalada Warka Itoobiya
2015