Habraacyo la jaanqaadaya Ajandaha 2063 ayaa la hirgelinayaa si loo xoojiyo waxtarka hay’adaha Midowga Afrika - ENA Af-Soomaali
Habraacyo la jaanqaadaya Ajandaha 2063 ayaa la hirgelinayaa si loo xoojiyo waxtarka hay’adaha Midowga Afrika
Addis Ababa, Cirir 4/2018 (ENA): Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Angola ahna Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee Midowga Afrika, Danjire Tete Antoniyo, ayaa sheegay in sanadkii la soo dhaafay la hirgeliyay habraacyo la jaanqaadaya Ajandaha 2063 si kor loogu qaado waxtarka iyo waxqabadka hay’adaha Midowga Afrika.
Hadalkaas ayuu ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga 48-aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka socda xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.
Shirka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Komishinkq Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, Xoghayaha Fulinta ee Guddiga Dhaqaalaha Afrika ee Qaramada Midoobay Klefer Gatete, iyo wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.
Danjire Tete Antoniyo ayaa sheegay in Golaha Fulinta uu leeyahay door istaraatiiji ah oo muhiim ah gudaha qaab-dhismeedka Midowga Afrika, maadaama uu ka shaqeeyo isku-duwidda siyaasadaha qaaradda iyo qaadashada mowqifyo mideysan.
Wuxuu intaas ku daray in goluhu diyaariyo go’aannada qaab-dhismeedka ee dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika.
Wuxuu tilmaamay in arrintan ay door weyn ka qaadato kalsoonida iyo waxtarka ururka. Sidoo kale, wuxuu xusay in xilligii Angola ay hoggaaminaysay golaha la qaatay hannaan loo dhan yahay oo diiradda saaraya natiijooyin muuqda, islamarkaana lagu guuleystay in la gaaro yoolal muhiim ah iyadoo la helayo taageerada iyo go’aanka dalalka xubnaha ka ah.
Guddoomiyuhu wuxuu caddeeyay in wali ay jiraan arrimo u baahan in si masuuliyad leh loo dhammeystiro, isla markaana ay ka go’an tahay inay bilaabaan dib-u-habeynno cusub oo horseeda marxalad wadajir ah oo shaqo.
Ugu dambeyn, Danjire Tete Antoniyo ayaa xusay in horumar la taaban karo la diiwaangeliyay muddadii uu xilka hayay, isla markaana habraacyada la hirgeliyay ay si buuxda ula jaanqaadayaan yoolalka Ajandaha 2063 si loo dhiso Afrika horumarsan oo la hiigsanayo.
#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital�