Kalafadhiga 48-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika ayaa furmay - ENA Af-Soomaali
Kalafadhiga 48-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika ayaa furmay
Addis Ababa, Cirir 4/2018 (ENA): Shirka 48-aad ee caadiga ah ee Golaha Fulinta Midowga Afrika ayaa maanta ka furmay xarunta dhexe ee Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa.
Shirkan waxaa lagu qabanayaa halku-dhigga ah: “Nidaam waara oo biyo iyo nadaafad ah si loo xaqiijiyo guusha Ajendaha 2063.”
Waxaa ka qaybgalaya wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Afrika, diblomaasiyiin iyo madax ka tirsan hay’adaha Midowga Afrika.
Wasiirrada arrimaha dibadda, wasiiru dowlayaal iyo saraakiil sare oo ka socda dalalka Afrika ayaa soo gaaray Addis Ababa si ay uga qaybgalaan shirka.
Goluhu wuxuu ka doodi doonaa ajendayaasha uu ka soo shaqeeyay Kulanka 51-aad ee Guddiga Wakiillada Joogtada ah ee Midowga Afrika ee qabsoomay bishii Dharabley 2018 T.I.
Sidoo kale waxaa la filayaa in Golaha Fulintu ansixiyo ajendayaasha loo gudbinayo Shir-madaxeedka 39-aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika, kaas oo la qorsheeyay inuu qabsoomo 7 iyo 8-ka Cirir 2018 T.I.
Shirka caadiga ah ee Golaha Fulinta ayaa socon doona ilaa berri.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital�