Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka kala duwan ee Afrika ayaa soo gaaraya Addis Ababa - ENA Af-Soomaali
Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka kala duwan ee Afrika ayaa soo gaaraya Addis Ababa
Addis Ababa; Cirir 3/2018 (ENA): Wasiirada Arrimaha Dibadda ee ka kala socda dalal kala duwan oo Afrikaan ah ayaa imaanaya Addis Ababa si ay uga qayb galaan Kalfadhiga Caadiga ah ee 48-aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mawritaniya Maxamed Salem Merzoug ayaa saaka gaaray Addis Ababa.
Intaa waxaa dheer, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sierra Leyon Timoty Musa Kaba iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Carabta Maxamed Yessalam Beysat ayaa gaaray Addis Ababa.
Wasiirada waxaa qaabilay mas'uuliyiinta sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda markii ay ka soo degeen Garoonka Diyaaradaha caalamiga ee Bole.
Golaha Fulinta ee Wasiirada ayaa la filayaa inay ansixiyaan ajandaha Kalfadhiga Caadiga ah ee 39-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika Kalfadhigiisa Caadiga ah.
ENA Bogagga Warbaahinta Dijitaalka ah: 👉 https://linktr.ee/ENADIgital