Waxaa guud ahaan magaalada Addis Ababa laga macnuucay gaadiidka mootooyinka ilaa inta uu ka dhammaanayo shirka Midowga Afrika - ENA Af-Soomaali
Waxaa guud ahaan magaalada Addis Ababa laga macnuucay gaadiidka mootooyinka ilaa inta uu ka dhammaanayo shirka Midowga Afrika
Addis Ababa, Cirir 3/2018 (ENA): Waxaa la shaaciyey in ilaa dhammaadka shirka Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika, magaalada Addis Ababa laga mamnuucay in mootooyinka lagu wado.
Sida ku cad warka uu Xafiiska Gaadiidka ee Addis Ababa usoo dirayo wakaaladda, mamnuucidan ayaa bilaaban doonta berri waaberiga 4-ta Cirir waxayna socon doontaa ilaa iyo Talaadada, 10-ka Cirir 2018.
Xakamayntan ayaa waxa aynan saamaynayn hay’adaha ka shaqeeya amniga iyo taraafikada, waxaana mulkiilayaasha iyo darawallada mootooyinka lagu booriyey inay si dulqaad leh u raacaan xeerkan ilaa waqtiga uu dhamaado.
Xafiiska ayaa intaa ku daray in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo jabisa awaamiirtan.
Shirka joogtada ah ee Golaha Fulinta ee 48-aad ee berri furmaya iyo shirka 39-aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika ayaa 7 iyo 8-ka Cirir lagu qaban doonaa Addis Ababa.