Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Gedhiyoon Timootiwoos kulan la yeeshay Dhiggiisa Kenya

Addis Ababa, Dharabley 24/2018 (ENA): Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Gedhiyoon Timootiwoos, ayaa galabta xafiiskiisa kula yeeshay kulan Musaliya Mudafadi, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Jamhuuriyadda Kenya.

Labada wasiir ayaa adkeeyay xiriirka taariikhiga ah ee muddada dheer ka dhaxeeya Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Kenya, iyaga oo si gaar ah diiradda u saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale ee labada dal.

Waxay sidoo kale ku heshiiyeen in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta lagu dardargelinayo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka, isla markaana kor loo qaado horumarinta, nabadda, iyo amniga Geeska Afrika.

#WWI

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015