Madaxweynaha DDS iyo Madaxda Sirdoonka Itoobiya iyo Kenya ayaa soo kormeeray mashaariicda waaweyn ee laga Hirgeliyay Godey - ENA Af-Soomaali
Madaxweynaha DDS iyo Madaxda Sirdoonka Itoobiya iyo Kenya ayaa soo kormeeray mashaariicda waaweyn ee laga Hirgeliyay Godey
Addis Ababa, Dharabley 22/2018 (ENA): Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed, oo ay weheliyaan Madaxda Hay’adaha Sirdoonka ee Itoobiya iyo Kenya, ayaa booqday mashaariic horumarineed oo mug weyn leh kuwaas oo laga hirgeliyay magaalada Godey kaddib isbeddelkii siyaasadeed ee dalka.
Booqashada ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta horumarka mashaariicdan, kuwaas oo isugu jira kaabayaal dhaqaale, adeegyo bulsho, iyo mashaariic lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida.
Madaxweyne Mustafe ayaa bogaadiyay dadaallada lagu horumarinayo Godey, isagoo carrabka ku adkeeyay in mashaariicdan ay ka tarjumayaan himilada dowladdu u leedahay horumar waara, shaqo-abuur, iyo adeegyo tayo leh oo gaara shacabka. Sidoo kale, wuxuu xusay muhiimadda iskaashiga hay’adaha amniga ee gobolka iyo dalalka deriska ah si loo xaqiijiyo nabadgelyo joogto ah.
Dhankooda, Madaxda Sirdoonka Itoobiya iyo Kenya ayaa adkeeyay in xasilloonida amni ay tahay tiir muhiim u ah hirgelinta horumarka, isla markaana ay sii xoojin doonaan wada-shaqeynta amni ee ka dhaxaysa labada dal waa Itoobiya iyo Keenya e.
Booqashadan ayaa la filayaa inay dardargeliso hirgelinta mashaariicda socda, isla markaana ay sare u qaaddo isku xirnaanta horumarinta, amniga, iyo danaha bulshada ee magaalada Godey.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya