Daahfurka barnaamijka joogtaynta tallaalka kansarka ku dhaca makaanka afkiisa hore ee loogu talagalay gabdhaha da’doodu u dhexeyso 9 ilaa 14 sano ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Jigjiga

Addis Ababa, Dharabley 22/2018 (ENA): Munaasabadda daahfurka, oo uu soo agaasimay Xafiiska Caafimaadka Deegaanka Soomaalida, waxaa ka soo qeybgalay wakiillo ka socday xafiisyada bahwadaagta, hay’adaha deeq-bixiyeyaasha, maamulayaasha dugsiyada, xubno ka kala yimid degmooyinka iyo gobollada, iyo marti sharaf kale.

Ujeeddada munaasabaddan ayaa ahayd in la xoojiyo fahamka ku saabsan muhiimadda tallaalkan, lana gaarsiiyo bulshada wacyigelin la xiriirta xanuunka kansarka makaanka, gaar ahaan doorka tallaalku ku leeyahay ka hortaggiisa.

Ku xigeenka Madaxa Xafiiska Caafimaadka Deegaanka Soomaalida, Mudane Maxamuud Maxamed, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in tallaalkani uu faa’iido weyn u leeyahay gabdhaha, isla markaana uu ka hortagayo kansarka ku dhaca makaanka afkiisa hore. 

Wuxuu xusay in xanuunkani leeyahay ka hortag, balse daaweyntiisu ay adag tahay marka uu dhaco, taas oo ka dhigaysa tallaalka mid lama huraan ah.

Mudane Maxamuud ayaa ku boorriyay waalidiinta iyo bulshada guud ahaan inay si buuxda u taageeraan barnaamijkan, si loo xaqiijiyo in gabdhaha da’da yar ay helaan tallaalkan muhiimka u ah badbaadada caafimaadkooda mustaqbalka.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015