Suuqa Khudaarta ee Sabtida iyo Axadda, Magaalada Jigjiga - ENA Af-Soomaali
Suuqa Khudaarta ee Sabtida iyo Axadda, Magaalada Jigjiga
Jigjiga, Dharabley 22/2018 (ENA): Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka ee Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa ku wargeliyey bulshada magaalada in bari oo Sabti ah uu furmi doono suuqa khudaarta ee Sabtida iyo Axadda.
Suuqan ayaa lagu iibin doonaa noocyo kala duwan oo khudaar ah oo qiimahoodu ka raqiisan yahay khudaarta kale ee suuqyada caadiga ah ee magaalada laga helo.
Suuqa khudaarta ee Sabtida iyo Axadda waxaa lagu soo bandhigi doonaa labo goobood oo kala ah: Suuqa ku xigta xafiiska Maamulka Xaafada 6aad ee Magaalo-hoosadka Kaaramardha (agagaarka xafiiska hore ee Xaafada 9aad) iyo Suuqa Xaafada 4aad ee Magaalo-hoosadka Dudahida, oo sidoo kale loo yaqaan Suuq Cabdi Salaam.
Ugu dambayntii, bulshada magaalada ayaa lagu boorinayaa in ay ka faa’iideystaan fursadan si ay u helaan khudaar tayo leh oo raqiis ah.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya