Waxaa magaalada Jigjiga ka dhacay kulankii todobaadlaha ahaa ee Gudiga Maaraynta Xafiiska Nabadgalyada Deegaanka Soomaalida

Addis Ababa, Dharabley 22/2018 (ENA): Kulanka ayaa waxaa shir-gudoominayay Hogaan ku-xigeenka Xafiiska Nabadgalyada deegaanka Soomaalida, Mudane Maxamed Maxamuud Aaaden.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta shaqooyinkii la qabtay, iyadoo sidoo kale lagu falanqeeyay qodobo muhiim ah oo saameynaya geedi socodka shaqooyinka xafiiska iyo sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinka qorshaysan.

Gudiga ayaa ka wada hadlay sidii loo hubin lahaa hufnaanta iyo waxtarka hawlaha xafiiska, iyagoo isku raacay in shaqooyinka la qabtay la sii xoojiyo lana qorsheeyo kuwa soo socda si waafaqsan baahiyaha bulshada.

Mudane Maxamed Maxamuud ayaa ka hadlay muhiimadda kulamada noocan ah ee lagu qiimeeyo shaqada, isagoo tilmaamay in ay fududeynayaan is-waafajinta hawlaha iyo kor u qaadida hufnaanta xafiiska.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday iyadoo la isku raacay qorsheyaal iyo talaabooyin cusub oo lagu horumarinayo shaqooyinka xafiiska Nabadgalyada ee deegaankaas.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015