Magaalada Godey waxaa lagu soo dhaweeyay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka ee dalka Kenya, Mudane Nuuradiin Yuusuf Xaaji

Addis Ababa, Dharabley 22/2018 (ENA): Weftiga ayaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Miraad Layli waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed iyo Agaasimaha Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, Mudane Ridwaan Xuseen.

Booqashada weftiga ayaa ka tarjumaysa xoojinta iskaashiga amni iyo sirdoon ee u dhaxeeya labada dal, iyadoo ay labada dhinac ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa wada shaqeynta amniga gobolka.

Madaxa Sirdoonka ee Kenya, Mudane Nuuradiin Yuusuf Xaaji, ayaa booqashadiisa ku tilmaamay fursad lagu xoojinayo xiriirka iyo is-dhaafsiga macluumaadka sirdoonka ee u dhexeeya Kenya iyo Deegaanka Soomaalida.

Madaxweyne Mustafe Muxummed, ayaa dhiniciisa sheegay in soo dhoweyntu ay muujinayso muhiimadda ay leedahay iskaashiga amniga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka.

Waxaa la filayaa in kulamo gaar ah iyo wadahadallo dhex mara dhinacyada ay ka dhici doonaan magaalada Godey si loo sii xoojiyo iskaashiga amniga iyo sirdoonka ee Itoobiya iyo Kenya.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015