Dhammaystirka Dhismaha Biyo-xireenka Itoobiya ee awoodda shacabka ayaa guul weyn u ah Afrikaanka – Ra’iisul Wasaaraha Barbados, Miya Motley - ENA Af-Soomaali
Dhammaystirka Dhismaha Biyo-xireenka Itoobiya ee awoodda shacabka ayaa guul weyn u ah Afrikaanka – Ra’iisul Wasaaraha Barbados, Miya Motley
Addis Ababa, Dharabley 22/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Barbados, Miya Motley, ayaa sheegtay in inkastoo dunidu ka hor istaagtay Itoobiya taageero maaliyadeed oo loogu talagalay dhismaha Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD), haddana in shacabka Itoobiya ay ku dhammeeyeen mashruuca awooddooda gaarka ah ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay Afrikaanka.
Miya Motley, ayaa marti ku ahayd barnaamijka “What Now?” ee podcast-ka uu daadihiyo majaajiliistaha caanka ah ee Koonfur Afrika, qoraa iyo soo-jeediye telefishan Trefor Noah.
Intii uu socday wareysiga, Trefor Noah wuxuu si gaar ah diiradda u saaray Biyo-xireenka Itoobiya, xiriirka tamarta gobolka, iyo sida mashruuca loogu dhisay awoodda Itoobiyaanka laftooda.
Miya Motley waxay sheegtay in Itoobiya ay leedahay in ka badan 100+ milyan oo qof, halka in ka badan 50 boqolkiiba muwaadiniinta dalka ay heli karaan koronto.
Waxay xustay in Biyo-xireenku uu yahay “Adhwa-dii qarniga 21-aad”, iyadoo xasuusisay in Adhwa ay ahayd meel ay Itoobiya ka gaartay guul mucjiso ah oo ay kaga adkaatay Talyaaniga, guul aan dunidu markaas rumaysan karin.
Waxay sheegtay in Adhwa ay albaab u furtay dhaqdhaqaaqa Midnimo-Afrikanimo, isla markaana ay dhiirrigelisay halgankii ay dadka madow uga xoroobayeen dulmi iyo gumeysi soo jiray qarniyo.
Ra’iisul Wasaaraha Barbados waxay sidoo kale xustay in hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah iyo beesha caalamku ay ka hor istaageen taageero maaliyadeed oo loo fidiyo biyo-xireenka, balse taasi ay keentay in Itoobiyaanku ay go’aan adag qaataan oo ay yiraahdaan: “Annaga ayaa awooddeenna ku dhiseyna.”
Waxay tilmaantay in bangiyada, hay’adaha maaliyadeed, iyo gaar ahaan muwaadin kasta oo Itoobiyaan ah uu ka qayb qaatay bixinta dhaqaale si mashruucu u hirgalo.
Waxay sheegtay in inkastoo ay qaadatay 14 sano, haddana Itoobiyaanku ay ku guuleysteen inay biyo-xireenka ku dhisaan kuna dhammeeyaan awooddooda.
Arrintan, ayay tiri, waxay beddeshay sheeko muddo dheer jirtay oo ay quwadaha waaweyn ku faafin jireen in dalal sida Itoobiya oo kale ah aysan awoodin inay kaligood dhisaan mashaariic waaweyn.
Waxay ku tilmaantay Biyo-xireenku inuu yahay astaan muujinaysa adkaysi, samir, iyo go’aan adag oo ay leeyihiin Itoobiyaanku.
Waxay mar kale ku celisay in tani ay tahay guul weyn oo Afrikaanka oo dhan ah, isla markaana ay ku boorrisay Afrikaanka inay ku dhiirradaan dhismaha mashaariic waaweyn oo ay iyagu leeyihiin.
Miya Motley waxay sheegtay in biyo-xireenku yahay mid muujinaya heer sare oo injineernimo, isla markaana uu yahay xarunta koronto-dhaliyaha ugu weyn Afrika.
Waxay tilmaantay in dhererka, ballaca, xawaaraha biyaha, iyo awoodda tamareed ee biyo-xireenka ay yihiin kuwo aad yaab u leh, iyadoo sheegtay in qof kasta oo doonaya inuu fahmo baaxaddiisa uu u baahan yahay inuu booqdo goobta.
Waxay sidoo kale sheegtay in tamarta ka dhalan doonta biyo-xireenka ay tahay tamar la cusboonaysiin karo, taas oo ka caawinaysa ilaalinta deegaanka iyo meeraha aynu ku nool nahay.
Iyadoo xustay in Afrika ay ku nool yihiin qiyaastii 1.4 bilyan oo qof, islamarkaana ku dhowaad 600 milyan oo ka mid ah aysan haysan koronto, ayay sheegtay in Biyo-xireenku uu qayb ka noqon karo xalka baahidaas tamareed.
Ugu dambayn, waxay carrabka ku adkaysay in dunidu ay haysato awood dhaqaale oo ka badan inta ku filan si loo daboolo baahida tamareed ee Afrika, isla markaana ay beesha caalamka ugu baaqday inay bixiso taageerada loo baahan yahay.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya