Bandhigga 15aad ee Ganacsiga Caalamiga ah ee Itoobiya ayaa lagu qabanayaa Addis Ababa

Addis Ababa, Dharabley 22/2018 (ENA): Bandhigga 15aad ee Ganacsiga Caalamiga ah ee Itoobiya, oo ujeeddadiisu tahay in lagu soo bandhigo wax-soo-saarka gudaha dalka si heer caalami ah lana xoojiyo isku-xirka suuqyada, ayaa lagu qabanayaa magaalada Addis Ababa.

Waxaa la sheegay in bandhigga ganacsiga caalamiga ah uu ka dhici doono Fagaaraha Masqal ee Addis Ababa laga bilaabo 27-ka Dharabley ilaa 1-da Cirir, sannadka 2018 ee taariikhda Itoobiya.

Golaha Ganacsiga iyo Ururrada Warshadaha ee Itoobiya iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskuxidhka Gobolka ayaa si wadajir ah u bixiyay war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

Xoghayaha Guud ee Golaha, Dr. Qananiisaa Lemi, ayaa xilligan sheegay in in ka badan 300 shirkadood oo gudaha iyo dibadda ah ay ka qayb qaadan doonaan bandhigga ganacsiga.

Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay in bandhigga ka dhacaya Fagaaraha Masqal ay ka qayb qaadan doonaan ku dhowaad 50 shirkadood oo caalami ah, kuwaas oo ka imanaya in ka badan 20 dal.

Waxa la xusay in bandhiggu, marka laga soo tago soo bandhigista wax-soo-saarka, uu abuuri doono fursad ku habboon is-weydaarsiga khibradaha hay’adaha, iyo fududeynta wareejinta tiknoolajiyadda.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Ganacsiga Gudaha ee Wasaaradda ayaa sheegay in bandhiggu dhiirrigelin doono in wax-soo-saarka Itoobiya ay noqdaan kuwo tartan kula gala suuqyada caalamka.

Iyadoo Itoobiya ay ku jirto dadaal ay ku doonayso xubinnimada Ururka Ganacsiga Adduunka, waxaa la caddeeyay in madallo noocan oo kale ah ay door weyn ka qaataan soo bandhigista wax-soo-saarka dalka iyo dhismaha sumcadda guud ee qaranka.

Waxaa intaas dheer in bandhigga ganacsigu uu door muhiim ah ka ciyaari doono kobcinta dhaqdhaqaaqa ganacsiga dalka iyo soo jiidashada maalgelinno shisheeye oo cusub.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015