Diyaar-garow balaadhan ayaa loo sameeyay si martida ka qaybgalaysa Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha dalalka Midowga Afrika loogu fidiyo adeeg heer sare ah - ENA Af-Soomaali
Diyaar-garow balaadhan ayaa loo sameeyay si martida ka qaybgalaysa Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha dalalka Midowga Afrika loogu fidiyo adeeg heer sare ah
Addis Ababa, Dharabley 22/2018 (ENA): Komishanka Dalxiiska ee Addis Ababa ayaa shaaciyay in diyaargarow dhammaystiran la sameeyay si martida ka qaybgalaysa Shirweynaha 39aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka Midowga Afrika loo siiyo adeeg martigelin sare.
Komishineerka Komishanka Dalxiiska Addia Ababa, wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA), ayaa xusay in Addis Ababa ay leedahay khibrad iyo awood ay si guul leh ugu martigeliso ilaa 150 munaasabadood oo heer qaran, qaaradeed iyo caalami ah sannadkii.
Iyadoo taas laga duulayo, wuxuu xaqiijiyay in diyaargarowgii lagama maarmaanka ahaa la dhammaystiray si martida imanaysa ka qaybgalka shirweynaha 39aad ay u helaan adeeg martigelin oo raaxo leh, fudud oo hufan.
Dhanka kale, wuxuu tilmaamay in hawlaha horumarineed ee guuleystay ee caasimadda ay si weyn u qurxiyeen Addis Ababa, isla markaana ay xoojiyeen doorkeeda xarun dalxiis shirar, taasoo keentay faa’iidooyin dhaqaale iyo bulsho oo badan.
Sidoo kale, martida ka qaybgalaysa shirweynaha hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika waxaa loo abuuri doonaa fursado ay ku booqdaan goobaha dalxiiska ee caasimadda, si loo dheereeyo muddada ay joogaan, iyadoo arrintan lala kaashanayo daneeyayaasha ay khusayso.
Waxa kale oo la sheegay in ka-qaybgalka hoggaamiyeyaasha dalalka, shaqsiyaadka saameynta leh, madaxda hay’adaha iyo martida sharafta leh uu yahay fursad weyn oo wajiga dalka si habboon loogu muujiyo caalamka.
Iyadoo lala kaashanayo Wasaaradda Dalxiiska, hoteelada iyo adeeg-bixiyeyaasha gaadiidka, ayaa sidoo kale la diyaariyay adeeg martigelin oo xambaarsan qiyamka iyo dhaqanka Itoobiya, si loogu adeego martida shirweynaha.
Waxaa intaa dheer in la dhisay koox kormeer oo bixisa talooyin xirfadeed, si loo dhammaystiro kaabayaasha adeegga hoteelada loona hubiyo in martidu hesho khibrad joogitaan oo wanaagsan.
Shirweynahan ayaa lagu qaban doonaa Addis Ababa laga bilaabo 7 ilaa 8 Cirir 2018, iyadoo halku-dhiggiisu yahay: “Hubinta biyo waara iyo nidaamyo nadaafadeed oo ammaan ah; furaha hirgelinta yoolalka Ajandaha 2063.”
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya