Barnaamijka Qamadiga ee Itoobiya wuxuu ku salaysan yahay kordhinta wax-soo-saarka si loo gaaro himilada is-ku-filnaanshaha – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Barnaamijka Qamadiga ee Itoobiya wuxuu ku salaysan yahay kordhinta wax-soo-saarka si loo gaaro himilada is-ku-filnaanshaha – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)
Addis Ababa, Dharabley 22/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in barnaamijka wax-soo-saarka qamadiga ee Itoobiya uu ku dhisan yahay kordhinta wax-soo-saarka, ballaarinta nidaamka waraabka, xoojinta nidaamka bixinta abuurka, iyo taageeridda beeraleyda yaryar ee ku nool deegaannada waaweyn, si loo xaqiijiyo himilada dalka ee is-ku-filnaanshaha.
Ra’iisul Wasaaruhu, fariin uu ku baahiyay boggiisa baraha bulshada, ayuu ku sheegay in labadii rubuc ee ugu horreeyay ee sanadkan 2018, wadarta wax-soo-saarka qamadi ee dalka, iyadoo aan lagu darin qamadiga waraabka, ay gaartay 126.69 milyan kiintaal.
Sidoo kale wuxuu yiri: “Waxaan jeclaan lahaa inaan ammaano oo u mahadceliyo beeraleydeena. Si wada adkeysiga iyo dadaalka shaqo ee aad muujiseen.”
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya