Ciidanka Cirka ayaa maraya meel aad u sareysa, isagoo adeegsanaya tignoolajiyad casri ah - ENA Af-Soomaali
Ciidanka Cirka ayaa maraya meel aad u sareysa, isagoo adeegsanaya tignoolajiyad casri ah
Addis Ababa, Dharabley 16/2018 (ENA): Taliyaha Ciidanka Cirka dalka, Lt. Jeneraal Yilma Mardhaasaa, ayaa sheegay in Ciidanka Cirka oo ah astaanta iyo sharafta Itoobiya uu maanta ku marayo meel sare, isagoo si wax ku ool ah u adeegsanaya tignoolajiyado casri ah.
Hadalkan ayuu ka jeediyay xilli Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed uu goob joog ka ahaa bandhigga hawada ee “Libaaxyada Madow”, kaas oo ka socda magaalada Bishoftu, isla markaana lagu qabanayo xuska sannad-guuradii 90aad ee Ciidanka Cirka dalka.
Taliyaha ayaa xusay in Ciidanka Cirka, oo ah hay’ad qaran oo fac weyn isla markaana 90 sano jirsatay, uu qabtay hawlo badan oo waaweyn, isla markaana maanta ku jiro diyaargarow sare oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo amniga dalka.
Waxa uu intaas ku daray in si joogto ah loo xoojinayo awoodda Ciidanka Cirka, dhinaca tayada iyo tirada ciidanka iyo sidoo kale dhinaca tignoolajiyada, si loo guto waajibaadka ka saaran ilaalinta amniga iyo madaxbannaanida dalka.
Bandhigga hawada waxaa ka qaybgalay Afhayeenka Golaha Wakiillada Shacabka Tagaase Jaafo, Afhayeenka Golaha Federeeshinka Aganyahu Tashaagar, madaxweynayaasha deegaannada, wasiirro, iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Qaranka.
Bandhiggan hal-ku-dhigga looga dhigay “Hawada Libaaxyadu leedahay ee Itoobiya”, waxaa ka qaybgalaya, marka laga soo tago Ciidanka Cirka dalka, sidoo kale ciidamo cirka oo ka kala socda dalal kala duwan.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya