Ciidanka Cirka ee dalka waa hay’ad adkaysay qarannimada dalka, daawo dhab ahna u noqotay xoogagii isku dayay inay ku soo duulaan Itoobiya – Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed - ENA Af-Soomaali
Ciidanka Cirka ee dalka waa hay’ad adkaysay qarannimada dalka, daawo dhab ahna u noqotay xoogagii isku dayay inay ku soo duulaan Itoobiya – Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed
Addis Ababa, Dharabley 16/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed ayaa sheegay in Ciidanka Cirku uu yahay hay’ad qaran oo adkaysay jiritaanka dalka, isla markaana u noqotay jawaab adag oo ka hortagtay dhammaan xoogaggii isku dayay inay ku soo duulaan Itoobiya jiho kasta haka yimaadeene.
Hadalkan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka jeediyay munaasabadda dabaaldegga sannad-guuradii 90aad ee Ciidanka Cirka dalka, xilli lagu qabtay bandhigga hawada ee “Libaaxyada Madow”, kaas oo uu isagu goob joog ka ahaa.
Dr. Abiy Axmed ayaa sheegay in Ciidanka Cirku uu 90-kii sano ee la soo dhaafay soo maray marxalado kala duwan, waqtiyo kor iyo hoosba leh, balse mar walba u taagnaa difaaca qaranka.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in ciidanka cirka uu ahaa hay’ad qaran oo adkaysay Itoobiya, isla markaana noqotay caqabad adag oo hortimid cid kasta oo isku dayday inay dalka ku xadgudubto.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa kale oo uu xusay in Ciidanka Cirka aanu kaliya u adeegayn difaaca Itoobiya, balse xilligii gumaysiga ka bixitaanka Afrika uu door ka qaatay ilaalinta hawada Tansaaniya, taas oo ka dhigtay astaan ay Afrikaan badani ku faanaan.
Waxa uu sheegay in maanta Ciidanka Cirka lagu qalabeeyay hub casri ah, isla markaana uu marayo heer karti iyo awood sare ah.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Ra’iisul Wasaaruhu yiri, “Annagu hooyo kale ma lihin marka laga reebo Itoobiya. Itoobiya waa hooyadeenna aan beddelka lahayn”, isagoo ugu baaqay dhammaan shacabka in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta madaxbannaanida iyo qarannimada dalka.
Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in qorshe xooggan oo horey loo bilaabay uu socdo, kaas oo lagu doonayo in shanta sano ee soo socota lagu labanlaabo awoodda hadda ee Ciidanka Cirka dalka.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa kale oo uu sheegay in waxqabadka lixdii bilood ee la soo dhaafay uu muujinayo in Itoobiya sannadkan ay gaari doonto koboc dhaqaale oo gaaraya 10.3 boqolkiiba.
Waxa uu xusay in kobocani uusan suurtagal noqon karin haddii aan la dhisin hay’ado ciidan iyo amni oo xooggan, kuwaas oo saldhig u ah horumarka waara.
Dr. Abiy Axmed ayaa sheegay in Itoobiya aysan ahayn dal ku ekaaday shalay, balse ay tahay dal mustaqbalka u diyaarsan, gaar ahaan dhanka awoodda iyo tayada Ciidanka Cirka oo la jaanqaadaysa waqtiga casriga ah.
Ugu dambayn, waxa uu yiri, “Annagu ma doonayno wax dad kale leeyahay, mana bixinayno wixii annaga noo gaar ah. Haddii naloo hanjabo ama nala soo fara-geliyo, waan is-difaacaynaa.”
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya