Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan idinla joogo oo aan baahidiinna si toos ah idiinka dhageysto— Madaxweyne Mustafe Muxummed

Addis Ababa, Dharabley 12/2018 (ENA): Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa kulan lagu dhageysanayay xaaladda nololeed la qaatay bulshada Tuulada Row-Row, oo ka tirsan xarunta Alan ee Degmada Doolo-Baay, Gobolka Afdheer.

Odayaasha tuulada ayaa sheegay in deegaanku galay xilli jiilaal adag oo kulul, iyaga oo dhanka kale xusay in ay socdaan dadaallo lagu garab istaagayo bulshada, isla markaana uu jiro diyaar-garow wanaagsan. Waxa ay sidoo kale rajeynayaan in dadaalladaasi ay sii laba-laabmaan, maadaama xaaladdu adagtahay, biyo-macaan iyo calafka xoolahana ay yihiin baahiyahooda ugu mudan.

Ujeeddada socdaalkan waxa ay ahayd in si dhab ah loo ogaado xaaladdiinna, si loogu saleeyo qorshayaasha aan laga duulayo.


Dhankiisa, Komishineerka Komishinka Maareynta Khataraha Masiibooyinka dalka, Dr. Shifaraw Gabramaariyam, ayaa sheegay inuu wakiil uga yahay Ra’iisul Wasaaraha dalka kormeerkan, si loo daraaseeyo xaaladda nololeed ee bulshada, isaga oo xusay in Dowladda Federaalka ay doorkeeda ka qaadan doonto gurmadka socda.

 

Maamulka Gobolka ayaa sheegay in ay ka wadaan biyo-dhaamis 50 goobood oo kala duwan, hase yeeshee baahida jirta ay ka badan tahay intaasi. Waxa kale oo la xusay in afar gaadhi oo calafka xoolaha ah la soo gaadhsiin doono Degmada Doolo-Baay.


 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015