Ahmiyadda la siiyay waaxda dalxiiska ayaa dhalisay firfircooni ballaaran dhammaan deegaannada – Aadan Farax - ENA Af-Soomaali
Ahmiyadda la siiyay waaxda dalxiiska ayaa dhalisay firfircooni ballaaran dhammaan deegaannada – Aadan Farax
Addis Ababa, Dharabley 8/2018 (ENA): Ku-xigeenka Madaxweynaha Xisbiga Barwaaqo ahna Madaxa Xarunta Isku-duwidda Dhismaha Nidaamka Dimuqraadiyadda lehna awood Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen, Aadan Faarax, ayaa sheegay in ahmiyadda uu xisbigu siiyay waaxda dalxiisku ay abuurtay firfircooni weyn oo ka jirta dhammaan deegaannada dalka.
Aadan Farax iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan laamaha Xisbiga Barwaaqo ayaa booqday goobta dalxiiska ee Hambarijo 777 oo ku taalla Aagga Kambaataa.
Isagoo ka hadlay booqashada kadib, Aadan Farax wuxuu warbaahinta u sheegay in dalxiisku ka mid yahay waaxaha uu xisbigu mudnaanta gaarka ah siiyay, kuna hirgeliyay istiraatiijiyadda dhaqaale ee ku dhisan kala-duwanaansho.
Wuxuu xusay in si qaran ah looga shaqeynayo in la horumariyo awoodda qarsoon ee waaxda dalxiiska, lana kordhiyo faa’iidada ay shacabka ka helaan. Sida uu sheegay, hirgelinta aragtida Xisbiga Barwaaqo ee dalxiiska ayaa horseeday firfircooni muuqata oo ka jirta dhammaan deegaannada dalka.
Wuxuu tilmaamay in goobta dalxiiska ee Hambariji 777 ay tusaale cad u tahay arrintan, isagoo xusay in buurta dib loo horumariyay, laguna sameeyay 777 jaranjaro, iyadoo uu hormuud u ahaa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.).
Aadan Farax ayaa sidoo kale sheegay in ahmiyadda gaarka ah ee la siiyay waaxda dalxiiska ay sababtay in dhaxalka dabiiciga ah iyo kan bini’aadamnimo ee dalka laga hirgeliyo lagana suuq geeyo meelo badan, isla markaana faa’iidada laga helo dalxiisku ay sii kordhayso.
Wuxuu intaas ku daray in dadaalka lagu horumarinayo goobaha dalxiiska ee kala duwan, si loo kordhiyo faa’iidada waaxda, uu sii xoogeysan doono.
Mas’uulka xiriirka Bulshada iyo kan caalamiga ah ee Xisbiga Barwaaqo, Dr. Biqila Hurisa, ayaa dhankiisa sheegay in xisbigu si wax ku ool ah uga shaqeynayo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Ilaahay ku manaystay Itoobiya.
Wuxuu xusay in horumarinta kheyraadka dabiiciga ah si kor loogu qaado faa’iidada laga helo dalxiiska ay keentay natiijooyin la taaban karo.
Sidoo kale wuxuu sheegay in aqoonsiga iyo ka faa’iidaysiga khayraadka jira, iyadoo la adeegsanayo qorshe fog iyo mid dhow, ay keeni karto guul, isla markaana goobta dalxiiska ee Hambarijo ay noqon karto tusaale lagu daydo.
Mas’uulka xafiiska garabka dhallinyarada ee Xisbiga Barwaaqo, Abaang Kumadaan, ayaa isna sheegay in diiradda la saaray dhaqaalaha ku dhisan qaybaha kaladuwan ay suurto gelisay hirgelinta fikrado cusub oo hore aan u jirin.
Wuxuu intaas ku daray in goobta dalxiiska ee Hambarijo 777 ay tahay mid ka mid ah miraha ka dhashay aragtida Xisbiga Barwaaqo.
Ugu dambayn, wuxuu sheegay in ballaarinta mashaariicda horumarineed ee ku saleysan khayraadka dabiiciga ah ay kor u qaadi doonto dakhliga ka soo xarooda dalxiiska, isla markaana ay door weyn ka qaadan doonto abuurista fursado shaqo oo loo sameeyo dhallinyarada.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya