Shaqooyinka ilaalinta deegaanka iyo horumarinta cagaaran waxay faa’iido weyn u leeyihiin abuurista jiil caafimaad qaba

Addis Ababa, Dharabley 8/2018 (ENA): Khubaro caafimaad oo ka shaqeeya hay’ado caafimaad oo caalami ah ayaa sheegay in shaqooyinka laga fuliyay Itoobiya ee ku saabsan ilaalinta deegaanka iyo horumarinta cagaaran ay door weyn ka ciyaaraan abuurista jiil caafimaad qaba.

Munaasabadda aasaaska Ururka Hematology: (Cilmiga ama takhasuska caafimaad ee ka shaqeeya dhiigga, cudurrada dhiigga, iyo xubnaha sameeya dhiigga sida lafta dhuuxa) iyo Oncology: (Cilmiga ama takhasuska caafimaad ee ka shaqeeya kansarka, oo ay ku jiraan ogaanshaha, daaweynta, iyo la socodka cudurrada kansarka) Carruurta ee Itoobiya ayaa lagu qabtay magaalada Addis Ababa.

Khubarada caafimaad ee ka qayb galay munaasabadda ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) in dadaallada lagu sameeyay ilaalinta deegaanka iyo horumarinta cagaaran ee dalka ay faa’iido weyn u leeyihiin ilaalinta caafimaadka, dhiirrigelinta dhaqdhaqaaqa isboortiga, iyo xoojinta xiriirrada bulsho.

Dr. Bronwyn MkNamara, oo ah khabiir caafimaad oo ka socda Australia, ayaa sheegtay in magaalada Addis Ababa ay ku aragtay isbeddel muuqda oo ka duwan wixii ay hore u taqaanay, gaar ahaan dhinaca nadaafadda deegaanka, ballaarinta goobaha cagaaran iyo jardiinooyinka.

Waxay sidoo kale bogaadisay dadaallada lagu xakameynayo wasakhowga, maadaama alaabta ka samaysan balaastigga iyo kiimikooyinka ay sababi karaan dhibaatooyin caafimaad.

Dhanka kale, Brofeesor Sheyla Weytsman oo ka tirsan Jaamacadda Toronto ayaa sharraxday in shaqooyinka ilaalinta deegaanka ay leeyihiin kaalin weyn oo ku saabsan daryeelka iyo ilaalinta caafimaadka.

Waxay tilmaantay in deegaan cagaaran oo nadiif ah uu ka mid yahay waxyaabaha suurtageliya ilaalinta caafimaadka, iyadoo xustay in ka hortagga cudurrada ay ka wanaagsan tahay daaweyntooda.

Agaasimaha Bariga Afrika ee hay’adda “Pure Earth”, Firew Kefyalew, ayaa isaguna sheegay in hay’addu muddo sanado ah ka shaqaynayeen wacyigelinta ilaalinta deegaanka iyo ku lug lahaanshaha dhalinyarada hawlaha nadaafadda.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015