Lixdii bilood ee la soo dhaafay 247 qob oo indho ah ayaa la ururiyay - ENA Af-Soomaali
Lixdii bilood ee la soo dhaafay 247 qob oo indho ah ayaa la ururiyay
Addis Ababa, Dharabley 8/2018 (ENA): Adeegga Bangiga Dhiigga iyo Unugyada Jirka ee Itoobiya ayaa shaaciyay in kalabadhka sanad-miisaaniyadeedkan la ururiyay 247 unugyo indho ah, kuwaas oo lagu talaalay bukaanada u baahan.
Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee hay’adda, Habtamuu Taayee, ayaa sheegay in 1,750 qof oo tabaruc ah ay ballan qaadeen in ay ku deeqaan indhahoodaa ka dib marka ay geeriyoodaan.
Sidoo kale wuxuu xusay in Bangiga Isha oo markii hore ku ekaa Isbitaalka Menelik II, hadda lagu daray mid kale oo laga furay Xarunta Caafimaadka Jaamacadda Jimma, taas oo tirada guud ka dhigtay laba bangi oo indhaha ah.
Dhanka kale, hay’addu waxay ku guulaysatay ururinta 257,635 unug oo dhiig ah. Marka la barbar dhigo isla xilligan sanadkii hore, tani waxay muujinaysaa koror dhan 40,000 unug oo dhiig ah.
Ku-xigeenka Agaasimaha Guud wuxuu kaloo sheegay in tirada bangiyada dhiigga ee dalka ka hawlgala ay gaartay 60.
Iyadoo la eegayo baahida sii kordheysa ee dhiigga iyo indhaha, ayuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la kordhiyo tirada deeq-bixiyeyaasha dhiigga iyo indhaha.
Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay bulshada in ay xoojiyaan deeqda tabaruca ah si loo gaarsiiyo gargaar dadka u baahan dhiig iyo indho.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya