Sanadadii isbeddelka ee la soo dhaafay, dib-u-habaynta siyaasadda lacagta, hagaajinta nidaamka sarrifka lacagaha qalaad, dib-u-habaynta waaxda maaliyadda iyo isbeddellada hay’adeed ayaa ka mid ah hawlaha waaweyn ee dib-u-habaynta la fuliyay.

Tallaabooyinkan isbeddelka ah waxay suurto geliyeen in sicir-bararku hoos uga dhaco boqolkiiba 30 oo uu ahaa Miicaad 2012, kuna soo dego boqolkiiba 9.7 bishii Xoorreey 2018. Hirgelinta isbeddellada la xiriira sarrifka lacagaha qalaad waxay ka sokow kor u qaadista helitaanka lacagaha qalaad, sidoo kale suurtagelisay in la yareeyo farqiga u dhexeeya suuqa rasmiga ah iyo kan is barbar socda. Waqtigan xaadirka ah, saamiga amaahda la siiyo waaxda gaarka loo leeyahay wuxuu gaaray 77 boqolkiiba. Dhanka xisaabaadka (Akoon Xisaabeed)  casriga ahna, dib-u-habaynadu waxay suurto geliyeen in la gaaro 254 milyan oo xisaabood.

Mustaqbalka dhow, arrimaha mudnaanta la siinayo waxaa ka mid ah in sicir-bararka lagu hayo hal-tiro, in suuqa lacagaha qalaad laga dhigo mid si ka sii wanaagsan u shaqeeya oo xasilloon, hirgelinta mideynta iyo iibsashada bangiyada, dhisidda hay’ad maamusha waaxda caymiska, iyo xoojinta nidaamka bangiyada aan ribada ku dhisnayn.

●Dr. Eyob Tekalign

  Guddoomiyaha Bangiga Qaranka

Wakaalada Warka Itoobiya
2015