Sanadadii isbeddelka ee la soo dhaafay, waxaa la fuliyay hawlo lagu xoojinayo awoodda hay’adaha ee dhinaca dakhliga, lagu dhisayo nidaam casri ah oo maareynta canshuuraha ah, lagu xaqiijinayo u hoggaansanaanta shuruucda canshuuraha, isla markaana lagu hubinayo korriin dakhli oo waarta.

Dhanka adeeg-bixinta, waxaa la qabtay shaqooyin lagu hirgelinayo nidaam canshuureed oo casri ah. Sannadkii 2011, boqolkiiba 10.1 oo keliya ayay ahayd tirada canshuur-bixiyeyaasha ku gudbinayay canshuurta hab elektaroonik ah. Hase yeeshee, sannadkii 2017, boqolkiiba 94 canshuur-bixiyeyaasha ayaa ku gudbiyay canshuurtooda nidaamka filka casriga ah. Sidoo kale, canshuur-bixiyeyaasha ku bixinayay canshuurta si elektaroonik ah ayaa ka kordhay heer aad u hooseeyay oo ay joogeen 2011 ilaa ay gaareen boqolkiiba 64 sannadkii 2017. Shaqooyinka lagu xoojinayo nidaamka canshuuraha casriga ah, si loo bixiyo adeeg hufan loona ballaariyo helitaanka adeegyada canshuuraha, way sii soconayaan si joogto ah.

Sannadkii 2018, lixdii bilood ee la soo dhaafay waxaa la ururiyay dakhli gaaraya 709 bilyan oo birr. Tani marka la barbar dhigo isla muddadii sannadkii hore, waa koror dhan 256 bilyan oo birr ah. Guud ahaan sannadka 2018, waxaa qorshaysan in la ururiyo dakhli gaaraya 2.1 tiriliyan oo birr, hawshaasi hadda si firfircoon ayay u socotaa. Mustaqbalka dhowna, iyadoo la sii ballaarinayo maareynta canshuuraha ee ku saleysan tiknoolajiyada, waxaa la xoojin doonaa dadaallada lagaga hortagayo lunsashada canshuuraha, laguna dhisayo nidaam canshuureed ku dhisan kalsooni dhexmarta canshuur-bixiyaha iyo maamulka canshuuraha.

● Marwo Aynalem Nuguse

     Wasiirka Dakhliga

Wakaalada Warka Itoobiya
2015