Toddobo sano ka hor, xaaladda dhaqaale ee Itoobiya waxay ku jirtay dhibaatooyin culus. Dhibaatada dhaqaale, culayska deynta, yaraanta lacagta qalaad iyo xasillooni darrada suuqa ayaa ka mid ahaa caqabadihii waaweynaa ee dhaqaale ee jiray ka hor isbeddelka.

Dowladdu, si ay wax uga qabato caqabadahaas, waxay qaaday tallaabooyin isbeddel ah oo maanta natiijooyin la taaban karo laga diiwaangelinayo. Isbeddelladaasi waxay suurto geliyeen in Itoobiya ay ka mid noqoto waddamada Afrika ee sida ugu dhaqsaha badan u kobcaya. Isbeddelladii koowaad iyo labaad ee dib-u-habaynta dhaqaalaha ee ku saleysnaa awoodda gudaha ayaa horseeday in la dhiso hay’ado cusub oo xooggan oo casri ah. Guulaha isbeddellada laga gaaray waxaa ka mid ah dejinta istaraatiijiyado adag, cusub oo wax ku ool ah oo lagu kordhinayo dakhliga dowladda. Isbeddellada kadib, dakhliga dowladda, oo ay ku jirto qulqulka ilaha dibadda, wuxuu kordhay shan jibbaar. Dakhliga canshuuraha dowladda wuxuu kordhay 400 boqolkiiba. Guud ahaan dakhliga dowladda marka loo eego heerkii uu joogay sannadkii 2010, maanta wuxuu kor u kacay 446 boqolkiiba. Dhanka ilaha dibadda, toddobadii sano ee la soo dhaafay waxaa la diiwaangeliyey in guud ahaan la helay 25 bilyan oo doolar. Miisaaniyadda loo qoondeeyey waaxyaha diiradda saaraya yareynta saboolnimada waxay afar jibbaar ka korortay heerkii ay joogtay 2010. Marka la eego farqiga miisaaniyadda, waxaa lagu guuleystay in laga dhimo 2.5 boqolkiiba sanadkii 2010 ilaa 0.9 boqolkiiba sanadkii 2017.

● Axmed Shide

Wasiirka Maaliyadda

Wakaalada Warka Itoobiya
2015