Dhismaha iyo hubinta diyaar-garowga hay’adaha waa masuuliyado waaweyn oo dowladeed – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa, Dharabley 7/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in dhismaha hay’adaha iyo hubinta diyaar-garowgoodu ay ka mid yihiin masuuliyadaha waaweyn ee dowladda.

Ra’iisul Wasaaruhu maanta wuxuu ka qaybgalay shir heer qaran ah oo lagu qiimeynayey waxqabadka hay’adaha waaweyn, kaas oo cinwaankiisu ahaa “Isbeddelka Maaliyadda ee Itoobiya”.

Isagoo arrintan ka hadlayayna, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) wuxuu bartiisa baraha bulshada ku xusay in shirkaasi uu ahaa madal faa’iido leh oo dib loogu eegay safarka isbeddelka dhaqaale, isla markaana lagu dejiyey jihada mudnaanta leh ee mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhismaha iyo diyaar-garowga hay’aduhu ay yihiin masuuliyado waaweyn oo dowladeed, taasina ay sabab u tahay in la qaaday tallaabooyin ballaaran oo lagu xoojinayo waaxaha maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in shirkaasi uu gacan ka geystay qiimeynta guulaha laga gaaray isbeddellada ku saabsan maamulka maaliyadda, siyaasadda lacagta iyo maaliyadda, maamulka dakhliga, maamulka suuqyada raasamaalka, maamulka maalgashiga, iyo isbeddellada lagu sameeyay maamulka hay’adaha horumarineed ee dowladda.

Intaa waxaa dheer, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) wuxuu tilmaamay in madashu ay ka caawisay in si adag loo ilaaliyo xawaaraha isbeddellada socda, lana sii ambaqaado ajandaha ballaaran ee isbeddelka dhaqaale ee dalka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015