Waxaa xadhiga laga jaray Mashruuca Dhismaha Waaxda Hooyada lyo Dhallaanka ee Cusbitaalka Guud ee Kaaraamardha

Jigjiga, Dharabley 7/2018 (ENA): Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka JDFI Dr. Maqdhas Dhaaba ayaa xadhigga ka jaray mashruucani oo ay ku baxday lacag dhan 300 oo milyan.

Dhismahan cusub oo ka kooban G+3 dabaq ah ayaa loogu tala'galay in lagu xoojiyo adeegyada caafimaadka ee hooyooyinka iyo carruurta ku nool magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeeda, waxa uuna leeyahay boqol sariirood oo loogu talo-galay bukaanka.

Qaybta cusub ee Hooyada iyo Dhallaanka ee Cusbitaalka Kaaraamardha ayaa lagu qalabeeyay adeegyo casri ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin qolal dhalmo oo dhammeystiran, adeegyo degdeg ah, qalab caafimaad oo tayo sare leh iyo jawi ku habboon daryeelka hooyada iyo ilmaha.


Xukuumadda Deegaanka ayaa mudnaan gaar ah siisay horumarinta adeegyada caafimaadka, gaar ahaan daryeelka hooyada iyo dhallaanka, maadaama ay yihiin laf-dhabarta mustaqbalka bulshada. Waxaana guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee deegaanka ka socda dhismayaal casri ah oo loogu talo'galay caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015