Deegaanka Amxaarada waxaa si xooggan looga shaqeynayaa xoojinta nabadda si loo xaqiijiyo horumar – Madaxweyne Aragaa Kabadha

Madaxweynaha Deegaanka Amxaarada, Argaa Kabadha, ayaa sheegay in si xoogan looga shaqeynayo xallinta dhibaatooyinka iyada oo loo marayo wadahadal nabadeed iyo adkeynta nabadda, si loo xaqiijiyo horumar dhamaystiran oo ka hana qaada guud ahaan deegaanka.

Wuxuu hadalkan ka sheegay dood cilmiyeed ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wakaaladda Wararka Itoobiya iyo Xafiiska Warfaafinta ee Deegaanka Amxaarada, kaas oo ku socda hal-ku-dhegga ah “Xoojinta nabadda; horumarinta khayraadka”, kuna qabsoomaya magaalada Baahir Dhaar.

Khudbaddiisa, Madaxweyne Argaa Kabadha wuxuu carrabka ku adkeeyay in nabaddu tahay aasaaska horumarka iyo kobaca.

Wuxuu sheegay in si habboon loo horumarin karo khayraadka dabiiciga ah iyo kuwa bani’aadam ee deegaanka, iyo sidoo kale awoodaha ku jira beeraha, macdanta, dalxiiska iyo warshadaha, kaliya marka ay jirto nabad iyo xasillooni, si loo xaqiijiyo in shacabka ka faa’iideystaan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda ay mudnaan gaar ah siineyso nabadda, isla markaana ay waddo dadaallo kala duwan oo lagu doonayo in dhibaatooyinka si waara loogu xalliyo wadahadal.

Arrintan awgeed, ayuu sheegay in ilaa 28 kun oo dagaalyahanno hore ah ay aqbaleen baaqa nabadda ee dowladda, tababar dib-u-habeyn ahna qaateen, kaddibna ay dib ugu biireen bulshada.

Wuxuu intaa ku daray in hoggaamiyeyaasha kooxaha hubeysan ee doortay waddada nabadda ay caddeeyeen in xallinta arrimaha siyaasadeed lagu maro wadahadal iyo hannaan dimuqraadi ah, halkii xoog loo adeegsan lahaa, ay tahay waddada kaliya ee lagu kalsoonaan karo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in tani ay gacan weyn ka geysan doonto xallinta joogtada ah ee caqabadaha amni ee ka jira gobolka, isla markaana lagu laaban doono hawlaha horumarineed ee caadiga ah.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in doodda maanta socota ee ku saleysan hal-ku-dhegga “Xoojinta nabadda; horumarinta khayraadka” ay muhiim u tahay dadaallada lagu xoojinayo nabadda laguna xaqiijinayo horumarka Deegaanka Amxaarada.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015