Maalinta Qowmiyadaha, iyo Shucuubtu waxay door weyn ka qaadanaysaa xoojinta midnimada iyo qaranimada wadajirka ah

Addis Ababa, Dharabley 7/2018 (ENA): Afhayeenka Golaha Fadareeshinka ee JDFI Aganyahu Tashaagar ayaa sheegay in dabaaldegga Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta uu si muuqata uga qayb qaadanayo xoojinta midnimada iyo qaranimada wadajirka ah.

Afhayeenka Golaha ayaa waday barnaamij abaalmarin iyo mahadcelin ah oo loo qabtay deegaannada iyo hay’adaha ka qayb qaatay in si guul leh loo qabto dabaaldegga munaasabada 20aad ee Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya.

Aganyahu Tashaagar ayaa xusay in dabaaldegga maalintan, gaar ahaan tan iyo isbeddelkii dalka ka dhacay kaddib, loo dabaaldegayay si muujinaysa hirgelinta dhabta ah ee nidaamka federaalka.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in maalintani ay door gaar ah ka qaadanayso xoojinta xiriirka dadka iyo dadka kale, isla markaana ay gacan ka geysatay in midnimada iyo qaranimada wadajirka ah ee Itoobiyaanka ay sii xoogaysato.

Sannadkan, dabaaldegga Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta oo lagu qabtay magaalada Hosaanaa ee deegaanka Bartamaha Itoobiya, ayaa yeeshay macne gaar ah maadaama uu ku soo beegmay xilli lagu dhawaaqay bilowga xilligii baraaraha Itoobiya, isla markaana uu dhammaaday Mashruuca Weyn ee Biyo-xireenka Itoobiya oo ku hirgalay dadaalka wadajirka ah ee shacabka.

Afhayeenka wuxuu xusuusiyay in munaasabada sanadkan uu ahaa mid guul leh marka loo eego dhammaan xusaska, wuxuuna mahadcelin u jeediyay warbaahinta, deegaannada, maamullada magaalooyinka iyo Afhayeenada Baarlamaanada deegaannada ee door ka qaatay guushaas.

Barnaamijka waxaa ka qayb galay Afhayeenka Golaha Fadareeshinka ee JDFI Aganyahu Tashaagar iyo Afhayeen Kuxigeenka Golaha Sahra Xumad, Afhayeennada Baarlamaanada deegaannada, iyo sidoo kale mas’uuliyiin iyo wakiillo ka socday hay’adaha warbaahinta kala duwan.

#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015