Waxaa la dhammaystiray qodista qaar kamid ah ceelasha biyahaee laga qodayo duleedka magaalada Jigjiga (Waaji).

Addis Ababa: Dharabley 6/2018 (ENA);  Madaxweynaha Dawlad-Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, oo ay weheliyaan Wasiirka Xafiiska Biyaha DDS,Mudane Eng. Axmed Miraad Layli, iyo Wasiirka Xafiiska Maaliyadda DDS, MudaneDayib Axmed, ayaa booqday heerka uu marayo mashruuca qodista ceelasha biyaha eeWaaji, kuwaas oo loogu talagalay xoojinta biyo-gelinta magaalada Jigjiga.

 

Mashruucan ayaa ilaa hadda laba (2) ceel si buuxda loodhammeeyey qodistooda, halka laba (2) ceel oo kale ay weli qodistoodu socoto.Sidoo kale, waxaa dhawaan la bilaabi doonaa qodista saddex (3) ceel oo kale.Guud ahaan, mashruucu wuxuu ka kooban yahay toddobo (7) ceel, kuwaas oo markaay dhammaadaan door weyn ka qaadan doona kor u qaadista heerka daboolka biyahaee magaalada Jigjiga. Madaxweyna

ha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa sheegayin hoos-u-dhac weyn uu ku yimid wax-soo-saarkii ceelashii hore ee Waaji, kuwaasoo muddadii shaqadoodu dhammaatay. 


Arrintaasi, ayuu sheegay, waxay sababtay inbulshadu wajahdo cidhiidhi dhanka biyaha ah. Madaxweynaha ayaa intaa ku darayin xaaladdaasi ku kalliftay xukuumadda inay keento xal degdeg ah, iyada ookaashanaysa Hay’adda UNDP.

 

Ceelashii hore ee Waaji ayaa soo saari jiray qiyaastii 3,000mitir kuyuubik (M³) oo biyo ah, halka ceelashan cusub ay kusoo kordhin doonaanilaa 5,000 M³, taas oo si weyn uga badan biyihii hore ee ay heli jirtay bulshada, gaar ahaan dadka ku nool magaalada Jigjiga. 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015