Midowga Afrika iyo Jabaan ayaa ballan qaaday inay xoojin doonaan iskaashigooda.

Addis Ababa; Dharableey 6/2018 (ENA): Midowga Afrika iyo Jabaan ayaa ku dhawaaqay inay ka shaqeyn doonaan sidii loo xoojin lahaa iskaashigooda dhinacyada badan leh.

 

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yusuf, ayaa xarunta Midowga Afrika wadahadallo kula yeeshay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jabaan, Ayano Kunimitsu.

 

Guddoomiyaha Guddiga ayaa xasuusiyay in Midowga Afrika iyo Jabaan ay lahaayeen iskaashi soo jiray muddo ka badan soddon sano taas oo ku salaysnayd qaab-dhismeedka madasha Caalamiga ah ee Jabaan iyo Afrika  (TICAD).

 

Wuxuu xusay in Shirweynihii 9-aad ee Caalamiga ahaa ee Jabaan iyo Afrika (TICAD) ee lagu qabtay Yokohama bishii Xoorreey 2017 T.I uu ahaa guul muhiim ah oo ku timid iskaashiga labada dhinac.

 

Wadahadalladu waxay ujeeddadoodu ahayd in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac.


Taageerada Jabaan ee Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada Afrika (CDC Afrika) iyo maalgashigeeda mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee taageera kobaca waara ee Afrika iyo isku xirnaanta ayaa sii kordhayay.

 

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jabaan, Ayano Kunimitsu, ayaa ammaanay qabsoomidda guusha leh ee Madasha 9-aad ee Jabaanka iyi Afrika ee Horumarinta (TICAD).

 

Wuxuuna caddeeyey in jabaanka ay ka go'an tahay inay si dhow ula shaqeyso Guddiga Midowga Afrika si ay u martigeliso shirka 10-aad ee TICAD ee Afrika.

 

Waxa kale uu sheegya in Jabaan ay sii wadi doonta inay taageerto dadaallada muhiimka ah ee ay mudnaanta siisay Midowga Afrika, oo ay ku jiraan Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) iyo Barnaamijka Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Afrika (AfID).

 

Wasiiru Dowlaha ayaa sidoo kale iftiimiyay doorka sii kordhaya ee Afrika ee maamulka caalamiga ah, isagoo xusay in xubinnimada joogtada ah ee AU ee G20 ay tahay tallaabo weyn.

 

Labada dhinaca waxay caddeeyeen inay si wadajir ah uga wada shaqeyn doonaan sidii loo sii xoojin lahaa iskaashigooda iyada oo loo marayo Madasha Wadatashiga Heerka Sare ee Midowga Afrika iyo Japan iyo TICAD.

 

Midowga Afrika iyo Jabaan waxay aasaaseen iskaashigooda sanadkii 1993 T.Y.


Nabadda iyo amniga, dhaqaalaha, horumarka, ganacsiga, caafimaadka, beeraha, tignoolajiyada iyo yaraynta isbeddelka cimilada ayaa ka mid ah dhinacyada iskaashiga labada dhinac.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015