Shirkadeenu waxay bilowday wado cusub oo xoojinaya hogaaminteeda Afrika – Tamasgan Tirunah

Addis Ababa, Dharabley 2/2018 (ENA): Ra'iisul Wasaare Ku-xigeen Tamasgan Tirunah ayaa sheegay in shirkadeena diyaaradaha, kadib 80 sano oo horumar ah, ay hadda bilowday wado cusub oo xoojinaya hogaaminta Afrika. 

Wuxuu tilmaamay in mid ka mid ah mashaariicda waaweyn eela bilaabay ay tahay dhismaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Bishoftu.

Shirkadfa Diyaaraddaha Itoobiya ayaa safarkeeda bilaabay iyada oo dhowr diyaaradood kaliya ku bilowday, ujeedadu ma ahayn oo kaliya in Itoobiya lagu xiro dunida, balse sidoo kale in sharafta Afrika lagu muujiyo cirka.

Garoonka cusub ee diyaaradaha ayaa awood u yeelan doona inuu sanadkiiba qaabilo ilaa 110 milyan oo rakaab, taasoo ka dhigaysa mid tusaale u ah aragtida cad ee Itoobiya iyo safarkeeda horumarineed.

Mashaariicda ayaa muujinaysa aragtida sare ee dowladda, xoojinta safarka Afrika iyo ka dhigista Itoobiya xarun muhiim ah oo duulimaadyada Afrika ay ku xiran yihiin. 

Safarka hal-abuurnimo iyo degdegga ah ee Itoobiya ayaa sii socon doona dhammaan dhinacyada, isagoo noqonaya tusaale horumarineed oo Afrika ah.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015