Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed ayaa si rasmi ah u bilaabay dhismaha Garoonka Caalamiga ah ee Bishoftu - ENA Af-Soomaali
Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed ayaa si rasmi ah u bilaabay dhismaha Garoonka Caalamiga ah ee Bishoftu
Addis Ababa, Dharabley 2/2018 (ENA): Wararka kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Itoobiya ay bilowday mashruuc kale oo weyn, kaasoo horseedaya horumar ballaaran iyo himilo weyn.
Garoonka Caalamiga ah ee Bishoftu waxaa lagu tilmaamay inuu noqon doono mashruuca ugu weyn ee gaadiidka hawada Afrika, waxaana mashruucan ka qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Dr. Abiy Axmed iyo Marwo Sinaash Taayaajaw oo ay weheliyaan mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in geediga Itoobiya ee dhanka casriyeynta iyo barwaaqada uu yahay mid taariikhi ah, isagoo carabka ku adkeeyay in garoonku uu noqon doono il dhaqaale oo muhiim ah, isla markaana kaalin weyn ka qaadanaya Afrika.
Mashruucu waxa uu ka koobanyahay dhismaha wadooyin casri ah oo isku xira Addis Ababa iyo garoonka, nidaam tareen oo xawaare sare leh oo gaari kara 120-200 km/saacaddii, iyo xarumo adeegyo casri ah.
Wajiga koowaad, garoonku wuxuu qaadi doonaa ilaa 60 milyan oo rakaab sanadkii, iyadoo marka la dhammaystiro uu gaari doono ilaa 110 milyan oo rakaab sanadkiiba.
Mashruucan ayaa Itoobiya ka dhigi doona mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee gaadiidka hawada ee caalamka.
#UsooduulItoobiya
#BooqoItoobiya
#XafiiskaRaysalWasaarahaItoobiya
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya