Ra’iisul Wasaarale Dr. Abiy Axmed ayaa taageero u muujiyay shaqaalaha Xafiiska - ENA Af-Soomaali
Ra’iisul Wasaarale Dr. Abiy Axmed ayaa taageero u muujiyay shaqaalaha Xafiiska
Addis Ababa, Xoorreey 28/2018 (ENA): Ciidda Kirismaska awgeed Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed ayaa maanta taageero u muujiyay shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggiisa baraha bulshada ku baahiyay in hoggaamintu aysan ku koobnayn siyaasadda, balse ay saaran tahay masuuliyad bulaho.
Maanta oo ay maalinta Ciidda Kirismaska u dabaaldegayaan qoysaska guud ahaan Itoobiya ee Kiritanka ah, Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed ayaa muujiyay taageero shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isagoo ay la joogaan xubno ka tirsan golaha wasiirada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa had iyo jeer, xilliyada ciidaha, siiya hadiyado Ciid ah shaqaalaha dakhligoodu hooseeyo iyo carruurta ay taageeraan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isagoo sidoo kale la wadaagaya farxadda ciidda. Tallaabadan ayaa muujineysa jacayl iyo daryeel, taas oo caddeyn u ah in shaqaalaha u adeegaya dalka, ay helaan aqoonsi iyo taageero ay ku leeyihiin bulshada, sida uu xafiisku sheegay.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya