Itoobiya iyo Shiinaha ayaa ka wada hadlay siyaabaha loo sii xoojin karo xiriirka dhinacyada badan ee labada dal. - ENA Af-Soomaali
Itoobiya iyo Shiinaha ayaa ka wada hadlay siyaabaha loo sii xoojin karo xiriirka dhinacyada badan ee labada dal.
Addis Ababa, Xoorreey30/2018 (ENA):Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr) ayaa shegay in Itoobiya iyo Shiinaha ay ka wada hadleen siyaabaha loo sii xoojin karo loona sii horamariyo xiriirkooda wajiyada badan.
Farriin uu ku qoray bartiisa bulshada, Ra'iisul Wasaare Abiy (Dr) ayaa yiri; Maanta, waan qaabilay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi anaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal , ka gobalka iyo kan labada shacab ee Itoobiya iyo Shiinaha ee walaaltinmadu kadaexayso.
Waxa kale oo uu xusay in Itoobiya iyo Shiinaha ay tobanaankii sano ee danbeyay gaadheen xiriiraad xooggan . Waxa kale oo uu ku tilmaamay in xiriirkan wanaagsan dhawaan loo balaadhiyay iskaashi istaraatiiji ah oo waara.
Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay ayuu yidhi sidii loo sii wadi lahaa ballanqaadkayaga ahaa inaan raacno mowduucyo kala duwan oo iskaashi horumarineed ah.
Waxaan kale oo aan ka wada hadalnay xoojinta iskaashigayaga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, quwada tamarta iyo gaadiidka, iyo sidoo kale waaxya sii kordhaaya ee sida ganacsiga elektaroonigga ah, dhaqaalaha dijitaalka ah, sirdoonka garaadka macmalka ah iyo horumarinta tamarta cagaaran, ayuu yiri Ra'iisul Wasaaruhu.