Ciidamadii ugu badnaa deegaanka ayaa tababar loogu soo xidhay Birqod

Addis Ababa, Xoorreey 27/2018 (ENA): Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed, ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu soo xidhay kumannaan askari oo ka tirsan Ciidamada Ammaanka Deegaanka, kuwaas oo ku qalin-jabiyay xerada tababarka ee Gaashaanle Khadar. 

Qalin-jabintan ayaa astaan u ah dadaallada joogtada ah ee xukuumadda isbeddelku ku xoojinayso tayada, tirada iyo awoodda ciidamada, si loo sugo nabadda, xasilloonida iyo badbaadada shacabka.

Ciidamadan qalin-jabiyay ayaa soo maray tababarro isugu jira kuwo ciidan, anshax, wadaninimo iyo ilaalinta ammaanka bulshada, kuwaas oo kor u qaadaya awoodda ay u leeyihiin sugidda nabadda, xasilloonida iyo difaaca deegaanka.

Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabadda ayaa adkeeyay doorka muhiimka ah ee ay ciidamada deegaanku ku leeyihiin ilaalinta midnimada, sharciga iyo badbaadada shacabka, isagoo tilmaamay in qalin-jabintani ay tahay tallaabo kale oo lagu xoojinayo awoodda ammaanka guud.

Dufcadda maanta tababarka loosoo xidhay ayaa noqonaysa midii 18aad. Si guud 14 dufcadood oo ciidamada kala duwan ee deegaanka ah oo 10 kamid ah ay yihiin ciidamada Booliska DDS ayaa isbaddelka kaddib ciidamada lagu soo kordhiyay, taasi oo ka dhigan in la soo biiriyay tiro ka badan labanlaab ciidamadii dawladihii ka horreeyay xukuumadda isbaddelka.

Xukuumaddu, muddadii ay hoggaanka deegaanka haysay, waxay horumar muuqda ka samaysay dhismaha iyo tayeynta ciidamada ammaanka, iyada oo si la taaban karo loo kordhiyay tirada, tayada iyo zaadka ciidamada. Tani waxay ka tarjumaysaa sida ay xukuumaddu mudnaanta u siisay amniga iyo xasilloonida deegaanka, taas oo saldhig u ah horumar waara iyo deegaan nabdoon.

#WWI  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015