Itoobiya waxay noqon doontaa astaan Afrikaan ah oo barwaaqo ah sanadka 2023 – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Itoobiya waxay noqon doontaa astaan Afrikaan ah oo barwaaqo ah sanadka 2023 – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)
Addis Ababa, Xoorreey 27/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in ay socdaan hawlo wax ku ool ah oo suurto-gelinaya in sanadka 2023 Itoobiya noqoto astaan Afrikaan oo barwaaqo ah.
Wuxuu sheegay in xukuumad ahaan ay dejisteen himilo ah in sanadka 2023 Itoobiya noqoto astaan Afrikaan oo barwaaqo, isla markaana ay si buuxda u xaqiijin doonaan himiladaas.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sanadka 2040 Itoobiya ay noqon doonto dal dunida tusaale looga soo qaato.
Si loo gaaro himiladan, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu adkeeyay in ay jiraan saddex tiir oo waaweyn: ilaalinta sharafta aadanaha, xaqiijinta madax-bannaanida dhaqaale, iyo in Itoobiya noqoto awooda Afrika.
Isagoo ka hadlayay doorka aqoonyahannada iyo bulshada, wuxuu xusay in kor u qaadista kaalinta aqooneed ee isku xiran ay u baahan tahay ka-qaybgal firfircoon, lahaanshaha ujeeddo ka baxsan dan shakhsi ah, ku adeegista xirfad iyo in la noqdo buundo isku xirta fikradaha iyo bulshada.
Wuxuu sidoo kale ku baaqay in laga baxo xayndaabyada fikirka ee hore, lana abuuro fikrado cusub, maadaama fikirku uusan lahayn xuduud. Wuxuu ku booriyay dhammaan qaybaha bulshada in ay ka gudbaan kala qoqobka, una wada shaqeeyaan dhismaha Itoobiya barwaaqo ah.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in haddii la is fahmo, la is kaashado, la is barto, loona wada istaago shaqada, natiijada la gaari karo ay noqon doonto mid aad u weyn.
Ugu dambayn, wuxuu xusay in wadajir, niyad-wanaag iyo damiir suuban lagu gaarsiin karo Itoobiya barwaaqo iyo horumar waara.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya