Aqoonyahannadu waa inay ka adkaadaan caqabadaha ka hor istaaga inay ku noolaadaan waxa ay ka fikireen, qoreen, ayna wax ka bareen – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Aqoonyahannadu waa inay ka adkaadaan caqabadaha ka hor istaaga inay ku noolaadaan waxa ay ka fikireen, qoreen, ayna wax ka bareen – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)
Addis Ababa, Xoorreey 27/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in aqoonyahannadu ay waajib ku tahay inay ka adkaadaan caqabadaha ka hor istaaga inay si dhab ah ugu noolaadaan fikirradooda, qoraalladooda iyo casharrada ay baraan.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in kibir, islaweynaan, iyo fikirka ah “aniga ayaa ka sarreeya dadka kale” ay yihiin sun khatar ku ah aqoonyahannimada.
Ra’iisul Wasaaruhu hadalkan wuxuu ku sheegay qoraal uu ka jeediyay madal dood ah oo loo qabtay xuska sannad-guurada 75aad ee aasaaska Jaamacadda Addis Ababa.
Isaga oo sii faahfaahinaya ayuu sheegay in shucuur xad-dhaaf ah, fikir eex ku dhisan, madax-adayg, kooxaysi, aragti ku dhegganaan, daadadka xogta iyo buuqa macluumaadka, sidoo kale kibir, danaysi iyo islaweynaan ay ka mid yihiin caqabadaha waaweyn ee hortaagan aqoonyahannimada.
Wuxuu sharraxay in dabeecadahani ay noqdaan caqabado dhab ah, isla markaana ay sababaan in aqoonyahannadu awoodi waayaan inay ku noolaadaan waxa ay ka fikireen, qoreen ama ay dadka bareen.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in su’aal weydiintu ay tahay furaha waxbarashada, isaga oo adkeeyay in aqoonyahan kastaa uu is-baadho, naftiisa dhagaysto, kana shaqeeyo ka gudbidda iyo sixidda dabeecadahaan caqabadda ku ah.
Sidoo kale wuxuu sheegay in aqoonyahannada Itoobiya loo kala saari karo dhowr qaybood oo ay ka mid yihiin aqoonyahannadii Itoobiyada hore, kuwa Itoobiyada casriga ah, aqoonyahannadii kacaanka, aqoonyahannada qurbaha ku nool, iyo aqoonyahannada rajada leh.
Ugu dambayn, wuxuu tilmaamay in aqoonyahannada sare, kuwa qurbaha iyo kuwa rajada leh ay yihiin kuwii si gaar ah raadkooda ugu reebay Jaamacadda Addis Ababa muddadii 75-kii sano ee la soo dhaafay.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya