Aqoonyahannadu waa inay bixiyaan hoggaan aqooneed iyagoo dhisaya taariikh wadajir ah si loo arko Itoobiya barwaaqo ah – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa, Xoorreey 27/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in aqoonyahannadu ay waajib ku tahay inay bixiyaan hoggaan aqooneed iyagoo abuuraya sheeko qaran oo mideysan, si loo gaaro Itoobiya ka xorowday saboolnimada una tallaabta barwaaqo dhammaystiran.

Ra’iisul Wasaaruhu hadalkan wuxuu ku sheegay madal uu ka jeediyay madal dood ah oo loo qabtay xuska sannad-guurada 75aad ee aasaaska Jaamacadda Addis Ababa.

Warbixinta ayuu carrabka ku adkeeyay in aqoonyahanku leeyahay door aad u weyn oo ku saabsan barwaaqada dalka, isla markaana laga rabo inuu si cad u fahmo uguna shaqeeyo hoggaanka loo igmaday ee ku aaddan waaxdiisa.

Wuxuu mar kale xusay in si loo arko Itoobiya ka baxday saboolnimada una tallaabta barwaaqo, ay lama huraan tahay in aqoonyahannadu dhisaan taariikh wadajir ah oo ay ku hoggaamiyaan bulshada aqoon iyo fikir mideysan.

Isaga oo ka hadlayay doorka aqoonyahannada ee ka saarista Itoobiya wareegga saboolnimada lana gaarsiinayo horumar buuxa, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in hoggaan wax ku ool ah lagu gaari karo marka hore is-xakameyn iyo ka adkaansho nafta ah.

“Hoggaanku wuxuu ka bilaabmaa qofka naftiisa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu, isaga oo ku booriyay aqoonyahannada inay dhegaystaan codkooda gudaha, ka adkaadaan caqabadaha naftooda, una guuleystaan hoggaan dhab ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aqoonyahannadu ay leeyihiin masuuliyad weyn, aqoon iyo saameyn ay ku bixin karaan hoggaan wax ku ool ah, haddii ay si sax ah u adeegsadaan awooddaas.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in hoggaanku yahay xirfad la baranayo waqti iyo duruufo kala duwan, isla markaana daqiiqad kasta loo adeegsan karo ujeeddo la hiigsanayo.
Wuxuu sidoo kale xusay in aqoonyahannimada dhabta ahi ay tahay in la fahmo tartanka waqtiga, lana ahaado kuwo aan dib u dhicin ama horay u boodin, balse fahamsan xilliga ay ku nool yihiin oo awood u leh inay arkaan waxa ka baxsan duruufaha muuqda.

Ra’iisul Wasaaruhu, waxa uu ku adkeeyay in aqoonyahannadu gutaan kaalintooda fikir ahaan, siyaasadda, dhaqaalaha iyo xiriirka bulshada dhexdeeda.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) wuxuu sheegay in fikraddu dhaliso dhaqdhaqaaq, dhaqdhaqaaquna abuuro nidaam, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in la dhiso hay’ado fikir oo ay aqoonyahannadu hormuud ka yihiin.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015