Si loo ilaaliyo danaha iyo maslaxadda qaranka Itoobiya, waxaan uga qayb qaadaneynaa si firfircoon – Dhallinyarada

Addis Ababa, Xoorreey 25/2018 (ENA): Dhallinyaro aragtidooda siiyay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ayaa sheegay in ay si firfircoon uga qayb qaadan doonaan dadaallada lagu ilaalinayo danaha iyo maslaxadda qaranka Itoobiya.

Waxaa la xusuustaa in Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Gedhiyoon Timootiyoos, uu Golaha Wakiillada Shacabka, kalfadhigiisii 6aad ee shirkooda caadiga ah ee 6aad, kuna jiray sanadkii 5aad ee muddada shaqada, ka jeediyay warbixin ku saabsan hawlaha diblomaasiyadeed.

Warbixintiisa ayuu ku sheegay in arrinta marin-badeedka Itoobiya ay tahay qorshe istiraatiiji ah oo muddo dheer ah, isla markaana lagu wajahayo shaqo diblomaasiyadeed oo tixgelinaysa danaha qaranka, jiilka maanta iyo kan mustaqbalka.

Sidoo kale wuxuu caddeeyay in la fuliyay hawlo diblomaasiyadeed oo guul leh, kuwaas oo suurtageliyay in ajandaha helitaanka marin-badeedka Itoobiya si cad loogu bandhigo bulshada caalamka.

Waxa uu intaas ku daray in arrintu hadda u gudubtay marxalad caalami ah oo diiradda saareysa sida ay suurtagal u noqon karto hirgelinteeda.

Dhallinyarada la hadlay ENA ayaa sheegay in ay door firfircoon ka qaadan doonaan dadaallada lagu ilaalinayo danaha qaranka Itoobiya, oo ay ku jirto xaqa lahaanshaha marin-badeed.

Mid ka mid ah dhallinyarada aragtida bixiyay, Niguuse Warqu, ayaa sheegay in arrinta lahaanshaha marin-badeedka Itoobiya ay tahay tiir u ah jiritaanka dalka iyo rajada mustaqbal ifaya.

Inkasta oo Itoobiya ay leedahay taariikh weyn iyo dad tiro badan, haddana wuxuu xusay in marin-badeed la’aantu ay caqabad ku noqotay dhaqaalaha iyo madaxbannaanida dalka.
Si dib loogu helo xaqan taariikhiga ah iyo kan dhaqaale, ayuu sheegay in laga rabo dhallinyarada inay noqdaan hormuudka dadaallada.

Dhankiisa, Abdhu Dhinku ayaa sheegay in arrinta marin-badeedka Itoobiya aysan ahayn rabitaan, balse ay tahay arrin aasaasi ah oo go’aamineysa jiritaanka qaranka.

Sidaas darteed, ayuu sheegay in uu ka shaqeyn doono in cadaaladda dalabka marin-badeedka Itoobiya lagu gaarsiiyo dunida, gaar ahaan fagaarayaasha caalamiga ah iyo baraha bulshada.

Wuxuu sidoo kale xusay in dalabkan caddaaladda ah lagu xaqiijin karo waddo nabadeed iyo diblomaasiyad, isla markaana aan waxyeello u geysanayn danaha dalalka deriska ah, balse ku dhisan horumar wadaag ah.

Dhallinyaro kale, Yosef Abaraa, ayaa isna sheegay in lahaanshaha marin-badeedka Itoobiya ay tahay cutub weyn oo go’aaminaya masiirka mustaqbalka dalka.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in uu doorkiisa ka qaadan doono xaqiijinta dalabka marin-badeedka Itoobiya, isaga oo adeegsanaya nabad, wada-hadal iyo mabda’a dan-wadaag.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015