Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya waa guul horumarineed oo ay Itoobiyaanku ku gaareen isku-duubni

Addis Ababa, Xoorreey 16/2018 (ENA): Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD) waa guul horumarineed oo weyn oo ay Itoobiyaanku ku gaareen mabda’a isku-duubnida iyo wada-jirka, sida uu sheegay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Benishangul-Gumus, Mudane Ashaadli Xasan.

Madasha doodda ee “Ku Saabsan Itoobiya” oo ay soo qabanqaabisay Wakaaladda Wargayska Itoobiya, kana socota deegaanka uu ku yaallo Biyo-xireenka, ayaa lagu qabtay halku-dhegga ah “Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya iyo Kor-u-qaadista Itoobiya”.

Madasha waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Shacabka, masuuliyiin sare oo dowladeed, iyo sidoo kale daneeyayaal kala duwan.

Madaxweynaha Deegaanka Benishangul-Gumus, Mudane Ashaadli Xasan, oo furay doodda, ayaa sheegay in Itoobiyaanku ay ka gudbeen caqabado gudaha iyo dibadda ah, ayna ku guuleysteen dhismaha Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya.

Waxa uu xusay in tani ay caddeyn u tahay in marka dadku hal ujeeddo u wada istaagaan ay gaari karaan natiijooyin la taaban karo. Sidoo kale, wuxuu sheegay in biyo-xireenku uu u abuuray deegaanka fursado maalgashi oo dheeraad ah.

Harada Nagaad ee ka dhalatay biyo-xireenka ayaa la sheegay inay door muhiim ah ka qaadan doonto kororka dalxiiska, ayuu yiri.

Mar kale ayuu ku celiyay in Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya uu yahay guul horumarineed oo weyn oo ay Itoobiyaanku ku gaareen mabda’a isku-duubnida.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wargeyska Itoobiya, Mudane Mesafint Tafaraa, ayaa sheegay in biyo-xireenku uu door muuqda ka ciyaarayo horumarinta warshadaha, kor u qaadista awoodda korontada, dalxiiska, iyo dhismaha kaabayaasha guud.

#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015