Xafiiska Dakhliga DDS Ayaa Tababar Uqabtay Canshuur Bixiyayaasha Iyo Ganacsatada Heer Deegaan iyo kuwa Maamulka Magaalada Jigjiga.

Jigjiga; Xoorreey 16/2018 (ENA): Waxaa hoolka Xafiiska Dakhliga DDS ka furmay tababar kor loogu qaadayo garaadka aqooneed iyo fahamka canshuur bixiyayaasha iyo ganacsatada ee ku aaddan nidaamka dakhliga, kaas oo ujeedkiisu yahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo ganacsatada, iyo kor u qaadidda wacyigelinta canshuuraha.

‎Tababarkan ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Dakhliga DDS Mudane Cabdiwaaxid Cabdi Qorane, waxaana goob-joog ka ahaa Duqa Caasimadda Mudane Shaafi Axmed Macallin, masuuliyiin ka tirsan xafiiska dakhliga iyo ganacsato kala duwan.

Wasiirka oo furitaanka ka hadlay ayaa si cad u sheegay in doorka Xafiiska Dakhliga DDS uusan ku koobnayn oo kaliya ururinta dakhliga, balse ay waajib ka saaran tahay kor u qaadidda guud ahaan wacyiga muwaadiniinta deegaanka, gaar ahaanna canshuur-bixiyayaasha, kuwaas oo uu ku tilmaamay mashiinka dhaqaale ee deegaanka. Wasiir-ku-xigeenku waxa uu xusay in wacyigelinta, fahamka shuruucda canshuuraha, iyo iskaashiga ganacsatada ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu dhisayo nidaam dakhli oo hufan, caddaalad ah, isla markaana waara.

‎Sidoo kale, Wasiirku waxa uu ku boorriyey ganacsatada inay si buuxda uga faa’iideystaan tababarkan, isla markaana ay kaalin muuqata ka qaataan horumarinta dakhliga, si loo xaqiijiyo adeegyo bulsho oo tayo leh iyo koboc dhaqaale oo waara.

‎Dhankiisa, Duqa Caasimadda Mudane Shaafi Axmed Macallin ayaa ku ammaanay Xafiiska Dakhliga DDS qabashada tababarkan, isagoo tilmaamay in fahamka saxda ah ee nidaamka dakhliga uu laf-dhabar u yahay horumarka adeegyada bulshada iyo kobaca dhaqaalaha caasimadda. Duqa Caasimaddu waxa uu xusay in ganacsatadu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha, isla markaana wada-shaqayn joogto ah oo dhexmarta ganacsatada iyo hay’adaha dowladda ay horseedi karto horumar la taaban karo.


 

Tababarka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda garaadka aqooneed ee ganacsatada, fahamka shuruucda dakhliga, iyo muhiimadda ay leedahay bixinta canshuuraha si hufan oo mas’uuliyad ku dheehan tahay.

‎Tababarka waxaa bixinayay agaasino katirsan Xafiiska Dakhliga DDS, kuwaas oo ka bixiyay faahfaahin dhammaystiran oo ku saabsan nidaamyada dakhliga, fursadaha jira, iyo caqabadaha la xiriira ururinta dakhliga.

‎Ugu dambayn, masuuliyiinta ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda tababarradan noocan ah, si loo helo canshuur-bixiyeyaal aqoon leh, nidaam dakhli oo xooggan, iyo horumar waara oo ay si wadajir ah u gaaraan dowladda iyo ganacsatadu.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015