Waxaan sugaynaa jawaabta laga bixinayo dacwadda aan ka gudbinay dambiyada ballaaran ee xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo xasuuqa ay nagu hayso dowladda Eritrea— Ururka Dimuqraadiga ah ee Canfarta ee Badda Cas - ENA Af-Soomaali
Waxaan sugaynaa jawaabta laga bixinayo dacwadda aan ka gudbinay dambiyada ballaaran ee xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo xasuuqa ay nagu hayso dowladda Eritrea— Ururka Dimuqraadiga ah ee Canfarta ee Badda Cas
Addis Ababa, Xoorreey 15/2018 (ENA): Ururka Dimuqraadiga ah ee Canfarta ee Badda Cas ayaa sheegay in uu sugayaan jawaabta Guddiga Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Xuquuqda Shacabka ee ku aaddan dacwad ay ka gudbiyeen dowladda Eritrea, taas oo la xiriirta xadgudubyo culus oo xuquuqda aadanaha ah iyo olole xasuuq oo ka dhan ah shacabka Canfarta.
Ururku waxa uu warbaahinta u sheegay in dacwadda ay si rasmi ah ugu gudbiyeen Guddiga Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Xuquuqda Shacabka, kaas oo fadhigiisu yahay magaalada Banjul ee dalka Gambiya, isla markaana guddigu uu dacwadda u gudbiyay dowladda Eritrea si ay uga bixiso jawaab rasmi ah.
Guddiga ayaa xaqiijiyay in uu aqbalay dacwadda, kuna diiwaangeliyay lambarka 868/25, isagoo cadeeyay in mawduuca iyo nuxurka dacwadda ay buuxiyeen shuruudihii sharci ee la rabay, isla markaana uu si rasmi ah ugu diray dowladda Eritrea si ay uga jawaabto.
Guddoomiyaha ururka, Ibraahim Haaruun, ayaa sheegay in xadgudubyada ay dowladda Eritrea ka geysanayso aagga Danakil ee ka dhanka ah shacabka Bada cas ee Canfarta ay yihiin kuwo ballaaran, nidaamsan, ay dowladdu hoggaaminayso, isla markaana si joogto ah u socda, ayna sii xumaanayaan maalinba maalinta ka dambeysa.
Xadgudubyadaas waxaa ka mid ah dilal ka baxsan sharciga iyo maxkamadaha, xasuuq ku saleysan qabiil ama isir, xadhig aan sharci ahayn iyo jirdil, dad kumannaan ah oo la waayay, iyo askareyn qasab ah. Waxa kale oo uu si gaar ah u xusay barakicinta in ka badan 300,000 oo qof oo ka tirsan Canfarta Badda Cas, iyo isticmaalka tacaddiyada jinsiga ah oo loo adeegsado qalab cabburin ah.
Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in shacabka Canfarta Badda Cas laga fogeeyay ka qaybgalka siyaasadda dalka, lana burburinayo aqoonsigooda, dhaqankooda, iyo xuquuqdooda dhaqaale.
Ururku waxa uu sheegay in tan iyo 1993 ay si joogto ah u gudbinayeen dacwooyin ku saabsan xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ay dowladda Eritrea geysanayso. Waxa ay xuseen in 4-ta Juun 2025 ay gudbiyeen dacwad ka kooban 122 bog, isla markaana guddigu uu u qabtay dowladda Eritrea muddo 60 maalmood ah si ay jawaab uga bixiso.
Caddeymaha lagu lifaaqay dacwadda waxaa ka mid ah natiijooyin baaritaanno xuquuqda aadanaha oo ay ururku sameeyeen, warbixinno iyo baaritaanno ay sameeyeen Qaramada Midoobay iyo hay’adaha Afrika ee xuquuqda aadanaha, markhaatiyo ka yimid dhibbanayaal Canfar ah, iyo sidoo kale warbixinno ka soo baxay hay’ado caalami ah oo xuquuqda aadanaha ka shaqeeya.
Ugu dambayn, ururku waxa uu ugu baaqay warbaahinta caalamka, hay’adaha xuquuqda aadanaha ee heer gobol iyo caalami, Qaramada Midoobay, iyo Midowga Afrika in ay si dhab ah uga falceliyaan dhibaatada haysata shacabka Canfarta Badda Cas, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin sharci, diblomaasiyadeed, bini’aadannimo iyo siyaasadeed oo lagu cadaadinayo xukuumadda Isayaas Afwarqi.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya