Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed ayaa la kulmay Madaxweynaha Kenya Williyam Ruuto

Addis Ababa, Xoorreey 14/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed ayaa maanta magaalada Addis Ababa kula yeeshay wada-hadal Madaxweynaha Kenya Williyam Ruuto.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggiisa baraha bulshada ku sheegay in uu si rasmi ah u qaabilay Madaxweynaha Kenya Williyam Saamuweel Ruuto, oo booqasho shaqo oo hal maalin ah ku yimid Addis Ababa.

Wuxuu tilmaamay in booqashadani ay ka tarjumayso xiriirka qoto dheer, taariikhiga ah, isla markaana walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Intii uu socday wada-hadalku, labada dhinac waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iyo sidoo kale arrimaha nabadda iyo amniga Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in wada-hadalladu ay muujinayaan mowqifkooda wadajirka ah ee ku aaddan nabadda, xasilloonida, iyo hirgelinta xalal Afrikaan ah oo ay Afrikaanku hoggaaminayaan

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015