Waxa Xarumaha gobollada iyo Maamul magaalooyinka Deegaanka Soomaaloda ka socda wadatashiyo u dhexeeya shacabka, Xukuumadda iyo Xisbiga Barwaaqo - ENA Af-Soomaali
Waxa Xarumaha gobollada iyo Maamul magaalooyinka Deegaanka Soomaaloda ka socda wadatashiyo u dhexeeya shacabka, Xukuumadda iyo Xisbiga Barwaaqo
Addis Ababa, Xoorreey 12/2018 (ENA): Kulamadan waxaa lagu soo bandhigay Bishaarooyinkii Guba iyo waxqabadka Dawladda Iskudarka ee heer dal iyo heer deegaan.
Shacabka ayaa si weyn u bogaadiyey waxqabadka Xukuumadda Dawladda Iskudarka, iyagoo muujiyey horumarka muuqda ee laga sameeyey dhinacyada kala duwan ee adeegyada iyo kaabayaasha horumarka, isla markaana adkeeyey kalsoonida ay ku qabaan jihada guud ee dalka iyo deegaanku u socdaan.
Dhanka kale, shacabka ayaa si daahfuran u soo bandhigay baahiyaha Aasaasiga ah ee kaabayaasha dhaqaalaha, sicir-bararka iyo maciishadda, tahriibka, iyo dabagalka mashaariicda.
Arrimahan waxaa si wadajir ah la isula qaatay in Xukuumaddu, heerarkeeda kala duwan, ay si buuxda mas’uuliyadda uga qaadato, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo baahiyaha degdegga ah ee bulshada.
Ujeedada kulamadan wadatashiga ah ee mudooyinkii udambeeyey deegaanka kasocday ayaa ah in la xoojiyo xiriirka shacabka iyo Xukuumadda, dhageysiga tabashooyinka iyo baahiyaha bulshada.
Kulamadani waxay sidoo kale saldhig u yihiin in si masuuliyad leh looga jawaabo caqabadaha jira, iyadoo mudnaan la siinayo baahiyaha aas-aasiga ah ee shacabka deegaanka.