Hindisaha Dijitaal Itiyoobiya 2030 waxay dejisay saldhigyo badan oo loogu talagalay Amniga Internetka

Addis Ababa; Xorreey 12/2018 (ENA): Istaraatiijiyadda Dhijitaal Itoobiya 2030 waxay dejisay saldhigyo badan oo loogu talagalay amniga internetka, ayay tiri Agaasimaha Guud ee hay'adda sirdoonka iyo Amniga, Tigist Xaamid.

 

Hindisaha Dhijitaal Itoobiya 2030 ayaa si rasmi ah loo daahfuray iyadoo uu joogo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.).

 

Agaasimaha Guud ee Hay'adda Sirdoonka iyo Amniga, Tigist Xamid, oi ka hadashay nadasha ayaa sheegtay in Istaraatiijiyadda Dhijitaal Itoobiya 2030 ay saldhigyo badan u dhigtay amniga internetka.

 

Waxa kale ay sheegtay in iyadoo la dhisayo kaabayaasha kaydinta macluumaadka ee aan leenahay, ay suurtogal tahay in la abuuro kalsooni adeegyada dijitaalka ah ee Itoobiya.

 

Waxay sidoo kale raacisay in shaybaar baaritaan dijitaal ah la dhisay oo loo howlgaliyay hay'adaha amniga.

 

Agaasimaha Guud waxay sidoo kale sheegtay in amniga internetka la siiyay fiiro gaar ah oo istiraatiijiyadeed oo ku saabsan Amniga Internetka.

 

Waxay sheegtay in tani ay ku jiri doonto dhismaha kaabayaasha dijitaalka ah ee muhiimka ah ee aan la jabin karin, casriyeynta kaabayaasha dadweynaha, sameynta xarun looga hortagayo dgibaatooyinka ka iman kara amni darrada internetka iyo horumarinta shaqada amniga internetka ee ku lug leh hay'adaha gaarka loo leeyahay.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015