Somali-MESOB oo la isugu keenay adeegyadii muhiimka ahaa ee ku kala firidhsanaa xafiisyada ayaa si rasmi ah loo daah-furay - ENA Af-Soomaali
Somali-MESOB oo la isugu keenay adeegyadii muhiimka ahaa ee ku kala firidhsanaa xafiisyada ayaa si rasmi ah loo daah-furay
Jigjiga, Xoorreey 11/2018 (ENA): – Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa maanta daah-furay adeegga hal-goob (MESOB), oo ah adeeg casri ah oo lagu horumarinayo nidaamka bixinta adeegyada dadweynaha isla markaana lagu fududaynayo helitaanka adeegyada dowliga ah.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka qayb galay, Mudane Aklili Tadase, Wasiir Dawlaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda DDS iyo marti-sharaf kala duwan.
Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ku sheegay in adeegga MESOB uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu dardargelinayo adeeg-bixinta bulshada, isla markaana kor loogu qaadayo qanacsanaanta dadka loo adeegayo.
Adeegga MESOB (One Stop Service) waxa uu door weyn ka qaadan doonaa casriyeynta adeegyada, yareynta caqabadihii ka jiray helitaanka adeegyada dowliga ah iyo xoojinta kalsoonida u dhexeysa dowladda iyo shacabka. Waa adeeg mideynaya adeegyo kala duwan, isla markaana u sahlaya muwaadiniinta inay si degdeg ah oo daah-furan, hal-goob uga helaan guud ahaan adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin.
8-dii bisha Kodxin (Maskaram) ayay kal-fadhigoodii saddexaad Golaha Fulinta DDS ku ansixiyeen xeer-nidaameedka Maamulka Miisaaniyadda iyo Kheyraadka ee MESOB, oo saddex bilood gudahood maanta la daahfuray. Qorshahan ayaana lagu ballaadhin doonaa guud ahaan magaalooyinka Deegaanka.
#WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya