Adeegga Hal-Goob ee Somali MESOB ayaa kor u qaadi doona adeegbixinta lasiiyo bulshada — Mudane Ibraahim Cusmaan

Addis Ababa, Xoorreey 10/2018 (ENA): Adeegga Hal-Goob ee Somali MESOB waxa uu meesha ka saari doonaa habacsanaantii dhanka adeegyada loo fidiyo bulshada, waxayna hal goob ah ka heli doonaan adeegyadii ay u baahnaayeen

Xafiiska Adeegga Shacabka Deegaanka Soomaalida ayaa qabtay tababarka wareegga labaad ee Adeegga Hal-Goob (MESOB), oo loo qabtay qaar ka mid ah xafiisyada heer deegaan, gobollada iyo maamul-magaalooyinka Deegaanka.

Tababarkan oo uu furay Madaxweyne-ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan, ayaa sheegay in Adeegga Hal-Goob (MESOB) uu si weyn kor ugu qaadi doono qanacsanaanta muwaadiniinta, isla markaana uu fududeyn doono helitaanka adeegyada, sidoo kalena hal meel ah laga heli doono adeegyadii horey uga furnaa goobo kala duwan.

Dhanka kale, Madaxa Xafiiska Adeegga Shacabka Deegaanka Soomaalida, Marwo Khadra Bashiir, ayaa sheegtay in Adeegga Hal-Goob (MESOB) loo dhaadhicin doono gobollada iyo magaalooyinka waaweyn ee Deegaanka, si macaamiishu u helaan adeeg hufan.

#WWI 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015