Xuska Sannad-guurada aas aaska xooga Ciidanka cirka ayaa loo xusidonaa si ka tarjumaysa heerka ukutalaabsaday ciidanku .

Addis Ababa, Xoorreey 9/2018 (ENA):Sannad-guurada 90-aad ee aasaaska Ciidanka Cirka Itoobiya ayaa loo dabaaldegi doonaa si ka tarjumaysa heerka ay Ciidanka Cirka u maanta gaadhay , ayuu yiri Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Major General Negera Lelisa.

Kulan lagu eegaayo sida loo xusaayo sannad-guurada 90-aad ee Ciidanka Cirka Itoobiya qabsomay.


 

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Major General Negera Lelisa ayaa xusay in Ciidanka Cirka uu ka mid yahay hay'adaha ugu da'da weyn adduunka.

Wuxuu tilmaamay in ujeeddada dabaaldeggu ay tahay in la xuso halgankii iyo guulihiii ay sameeyeen Ciidanka Cirka iyo in la soo bandhigo shaqada hay'addu qabanayso si ay u noqoto ciidanka cirka ee hormuudka ka ah ka dib kala-guurka qaranka.


 

Wuxuu xusay in Ciidanka Cirka ay ilaaliyeen madaxbannaanida Itoobiya oo ay gaarsiiyeen halka ay maanta joogto; Wuxuu tilmaamay in tan iyo kacaankii, ay isku abaabuleen dhanka shaqaalaha, hubka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wuxuu tilmaamay in sannad-guuradii 90-aad ee Ciidanka Cirka Itoobiya loo dabaaldegi doono si muujinaysa heerka ay ciidanka cirka gaareen.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015